Doorashada USA: Trump oo looga guuleystay is-reeb-reebka gobalka IOWA

Date:

Murashaxa Donald Trump oo kamid ahaa xubnaha u sharaxan xisbiga Jamhuuriga ayey guuldaro weyn ka raacday codbixintii ugu horeysay ee gobalka IOWA oo uu ku guuleystay dhanka Jamhuuriga Murashax Senator Ted Cruz.

Gobalka IOWA oo kamid ah gobalada dhex dhexaadka ah ama swing state ama hadba dhinac codkooda ku taageera ayaa xalay laga qaaday cododka ugu horeeyey oo ay isku reeb-reebayaan murashaxiinta xilka Madaxweynaha u tartamaya.

Dhanka Murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga oo ay natiijada la shaaciyey hada ayaa waxaa si weyn ugu guuleystay, Murashax Ted Cruz oo isagu bilihii lasoo dhaafay taageerada uu ka helayo xisbiga Jamhuuriga ay sii xoogeysaneysay, taasi oo keentay in markii ugu horeysay uu guul ka gaaro Murashax Donald Trump oo muddo dheer soo hogaaminayey murashaxiinta Jamhuuriga.

Cododka ay shacabka gobalka IOWA kala siiyeen murashaxiinta Jamhuuriga ayaa noqotay:

Ted Cruz 28%
Donald Trump 24%
Marco Rubio 23%

Guusha Senator Ted Cruz ayaa la rumeysan yahay inay la xariirto inta badan taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga ee ku nool gobalka IOWA ayaa ah Kirishtaanka Xagjirka ah, kooxdaasi oo ay si weyn u taageersan Murashax Cruz oo isagu ah Xildhibaan golaha Senateka oo laga soo doorto gobalka Texas.

Donald Trump ayaa sheegay in guuldaradan uu kala kulmay IOWA aysan wax dhaawac weyn u keenayn tartankiisa, isagoo sheegay inuu xooga saari doono inuu taageero ku filan ka helo gobalada kale ee dalka si uu u noqdo ugu danbeyn Murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga Jamhuuriga ee la tartama Murashaxa ka imaan doona dhanka xisbiga Dimuquraadiga marka la gaaro doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta bisha November ee sanadkan.

Murashaxiinta Xisbiga Dimuquraadiga

Waxaa weli socota tirinta cododka loo qaadayo Murashaxiinta Xisbiga Dimuquraadiga oo iyaguna is-reeb-reebkoodu uu ka socdo isla gobalka IOWA, waxaana si weyn loolankan uga dhaxeeyaa Senator Bernie Sanders iyo Murashaxad Hillary Clinton oo illaa iyo hada cododka la tiryey kala heysta;

Hillary Clinton 50%
Bernie Sanders 49%
Martin O’Malley 1%

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...