Tan iyo markii Caasimadda wadanka Belgium ee xarunta fadhiga Midawga Yurub lagu saxeexay qorsha Hiigsiga cusub ee New Deal ee deeqaaha Beesha Caalamku ugu tala gashay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland-na Mashruucaasi deeqaha ah ay ku lahayd qayb si gaar ah loogu qoondeeyey oo loogu yeedho Somaliland Special Arrangement (SSA) ayaan haddana illaa imika aanay jirin wax Somaliland ka soo gaadhay mashruucaasi deeq bixinta ah oo beesha Caalamku ku sheegtay in dalkii Soomaaliya loogu ururiyey in ka badan $2.4billion oo dollar (Laba Bilyan iyo Afar Boqol Oo Milyan oo dollar).
Mashruuca deeq-bixinta New Deal oo ahaa mashruucii deeq bixineed ee ugu ballaadhnaa ee loogu yabooho Somaliland iyo Somalia ayaa noqday mid ku kooban saddex xagalka Beesha Caalamka, Nairobi iyo Maamulka Muqdisho taasi oo aan illaa imika la ogayn halka uu ku dambeeyey, xaddiga lacagaha wali la soo ururiyey iyo siyaabaha uu dakhligaasi ku baxay iyo halka uu ku baxay toona.
Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya C/raxmaan Cali Ceynte oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo iyo halka ay maraan isaga oo sheegay in ay iyaga laftoodu saluug badan ka qabaan sida mashruucaasi u socdo iyo halka lacagaha lagu yaboohay maraan.
Wasiirka Qorshaynta ee Maamulka Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddiisa qorsheyntu ay sameysay guddi gaar ah oo dabagal ku sameeya dhaqaalaha loogu tala galay dalka Soomaaliya oo Wadamada Caalamka ay bixiyaan, kuwaasi oo sidoo kale si joogto ah u kormeeri doona mashaariicda laga sameeyo dalka si la iskula xisaabtamo ayuu yidhi inkasta oo aanu masuulkani faahfaahin waxa deeqdaasi ka soo gaadhay Somaliland iyo Maamulka dalka Soomaaliya ee Puntland toona.
Xukuumadda Somaliland ayaan iyadu inta badan ka hadal halka uu mashruucaasi ku dambeeyey iyo halka deeqaha la sheego in ay mashruucaasi ku soo xeroodeen ku dhacday inkasta oo walaac weyn laga muujinayo in inta badan lacagaha deeqaha ahi ku baxaan meelo dhexe oo aanay soo gaadhin ciddii sida rasmiga ah loogu yaboohay ee la doonayay in wax lagaga qabto noloshooda. Ururada Bulshada Somaliland oo in badan ka hadlayay arrinkan ayaad moodaa in ay quus ka joogaan iyada oo durba wakhti dheeri ka soo wareegay markii deeqda mashruucaasi lagu dhawaaqay oo ku beegnayd 13-kii September 2013 illaa maanta oo aan waxba laga hayn.
Somaliland: Oo Faro Madhan Ka Joogta Deeqihii New Deal, Musuqa Ragaadiyey Iyo Saamaynta Xukuumadda Soomaaliya
Date: