“Waxay ka wada hadleen sidii Dawladda iyo Culimadu iskaga kaashan lahaayeen Afkaarta khaldan, Argagixisonimada iyo Xag-jirnimada…” Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland
Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shalay kulan la yeeshay Culimada Dalka qaarkood.
Kulankan oo Saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, ayaa lagaga wada hadlay Qodobbo xaasaasiya oo ay ka mid ahayd sidii Dawladda iyo Culimadu iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Xagjirnimada isla-markaana kor loogu qaadi lahaa Anshax Diinta Islaamku inna fareyso in lagu dhaqmo.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo si gaar ah ula hadlay Telefiishanka Qaranka Somaliland markii kulankaasi soo dhamaaday, ayaa sheegay isaguna in Madaxweynaha iyo Culimadu ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Xagjirnimada.
Afhayeenka oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxay ka wada hadleen sidii Dawladda iyo Culimadu iskaga kaashan lahaayeen Afkaarta khaldan, Argagixisonimada iyo Xag-jirnimada,”
Afhayeenka oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Waxa kale oo ay ka wada hadleen (Madaxwaynaha iyo Culimadu) in la xoojiyo Anshax Diinteena Suubban inna fareyso oo kor loo qaado Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista, waayo? Madaxwaynuhu wuxuu u arkaa Culimadu inay door lagama maarmaan ah ku leeyihiin Bulshada.”ayuu yidhi.
Laakiin, Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isaguna la hadlay Telefiishanka Qaranka, ayaan soo hadal qaadin qodobbada uu Afhayeenku tilmaamay, waxaase uu sheegay in Madaxweynaha iyo Culimadu kaga wada hadleen kulankooda sidii loo xoojin lahaa Wax soo saarka Dalka si looga maarmo waxyaabaha Dalka dibaddiisa laga soo waarido, “Culimadu waxay Madaxweynaha ku booriyeen in Shaqo abuurka laga shaqeeyo, in Wax-soo-saarka la xoojiyo oo Xoogga laga faa’ideysto oo Beeraheenna laga beero waxaynu aynu Dalka dibaddiisa ka keensanno.”ayuu yidhi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.