Somaliland: Madaxwayne Siilaanyo oo Iclaamiyey In la Tukado Salaada Roob-doonta

Date:

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxaa uu maanta shaaciyey in la tukado salaada roob-doonta maalinta isniinta ee bishu tahay 1 February 2016ka.

Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu sheegay in marka uu roobku Raago islamarkaana abaaruhu xumaadaan umada Islaamka ah looga baahanyahay Inay u noqdaan Ilaahay oo ay tukadaan salaada roobdoonta iyagoo raacayay Sunihii Rasuulka SCW.
“Maadama aynu nahay ummad muslin ah marka uu sidan oo kale Roobku Dib u dhaco Abaartuna Adkaato Raxmadduna raagto waxaa rasuulka suubani CSW uu tukan jiray salaadda roobdoonta, sida awgeed inagoo raacayna Sunnaha Rasuulkeena CSW waxaan farayaa dhammaan ummadda reer Somaliland in ay Alla ka cabsadaan oo ay u toobad keenaan isna saamaxaan kana qayb galaan salaadda roob doonta oo ka dhici doonta dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta isniinta ee 1da bisha February 2016ka kuna Beegan 22ka Bisha Rabiicaltani ee 1437ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 8:30 Siddeedda subaxnimo, taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo, salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka sidan oo kale uu Roobku inagu yaraado ama ay Abaartu adkaato.”ayuu yidhi Madaxwayne Siilaanyo oo maanta kulan la qaatay Cullimada dalka si ay bulshada ugu iclaamiyaan salaada roob doonta.
Madaxwayne Siilaanyo waxaa kale oo shacan usoo jeediyay inay Is cafiyaan waxaanu yidhi “Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana wanaagga la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga
Maalinta Isniinta ee 1 February,2016ka ayaa la filayaa in dalka oo dhan laga tukado salaada roob doonta oo ILAAHAY lagaga baryayo inuu roob u shubo Shacabka abaaruhu saameeyeen ee roob la’aantu hayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...