Somaliland: Saddex Masuul Oo Xukuumadda Ka Tirsan Oo Beeniyay Inay Isbahaysiga La Kulmeen

Date:

Saddex masuul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kana soo jeeda koonfurta magaalada Hargeysa ayaa wada jir u beeniyay inay toddobaadkan kulan la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE oo u badan wasiiradii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, guddoomiyaha hay’adda NDC ee qaranka Md. Jamaal Caydiid Ibraahim iyo agaasimaha gaadiidka madaxtooyada Abshir Xasan Xaashi, oo xalay u waramay wargeyska Codka Somaliland, ayaa beeniyay warar warbaahinta lagu baahiyay oo sheegaya inay kulan la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga, gaar ahaan wasiiradii hore ee madaxtooyada iyo cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, “Wararkaas lagu baahiyay warbaahinta qaarkeed wax ka jiraa ma jiraan, mana jiro kulan aanu isbahaysiga la yeelanay anagoo ah saddexdan masuul, mana jirto sabab aanu ula kulanaaba.” sidaas waxa yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil oo ku hadlayay magaca saddexdan masuul, waxaanu intaas raaciyay, “Wararkaasi waxay u muuqdaan kuwo lagu doonayo in loo kala sheekeeyo xukuumadda iyo masuuliyiinteeda, waxaanse leeyahay looma kala sheekayn karo xukuumadda, xisbigeeda iyo masuuliyiinteedaba.”

Sidoo kale guddoomiye Jamaal Caydiid iyo agaasime Abshir Xasan Xaashi ayaa iyaguna sheegay inaanu jirin kulan ay la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...