Xubno ka tirsan xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa Hotel Caydiid ee magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay isbahaysigii xisbiga Kulmiye ee qaadacay shirwaynihii golaha dhexe.
Xubnahan oo ay ugu mihiimsanayeen Wasiirka diinta iyo Awqaafta,agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland iyo madaxa gaadiidka madaxtooytada Somaliland ayaa kulankan oo muddo saacado ah qaadat ay wararku sheegayaan in la isla ku raacay sidii ay xukuumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo iskaga casili lahaayeen isla markaana la iskugu diyaarin lahaa sidii loogu biiri lahaa xisbiga Waddani.
Xubnaha isbahaysiga goobta ku sugnaa ayaa waxa ka mid ah wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale,Wasiirkii hore ee caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo dhammaantood iska casilay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ,kadib khilaaf ka dhashay shirwaynihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo lagu doortay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici,waxaana sidoo kale xubnahaasi weheliyay Xildhibaan Kijaandhe oo hore xisbiga Kulmiye dhexdiisa uga sharaxnaa xilka madaxwayne nimo ee Somaliland.
Sida wararka shabakada Tooshnews ku heshay waxa la isla falanqeeyay sidii ay xubnahani iskaga casili lahaayeen xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo,kulankaasi oo dhammaaday iyadoo la isla qaatay diyaarinta munaasibadii xisbiga Waddani loogu biiri lahaa.
Dhinaca kalen,Masuuliyiinta xisbiga Waddani ayaa sheegay in wada hadalkii u socday xubnaha isbahaysiga Kulmiye uu gabagabo ku dhawyahay.
“Horeba isbaheysiga wada hadal waa uu noo socdey hadana gabo gabo ayuu ku dhaw yahay ma jeclin in aanu ka hor dhacno lakiin dhawaan insha alleh waxaa aanu jecel nahay go,aamadu marka ay soo baxaan in aanu si rasami ah bulshada ugu shaacino oo aanu u soo bandhigno” ayuu yidhi xildhibaan Buubaa oo star Tv la hdlay
Maalmihii ugu dambeeyay ay warbaahinta gudaha Somaliland baahinaysay warar ku saabsan inay isbahaysigii Kulmiye ee qaadacay shirkii golaha dhexe ay ku biirayaan xisbiga Waddani isla markaan jagooyin culculus ka qaban doonaan xisbigaasi.