La Ogaaday: Ciyaartooyda Chelsea Oo Aan Wax Mushaar Dhimis Ah La Kulmi Doonin Hadii Ay Kooxda Ku Guuldareysato U Soo Bixitaanka Tartanka Champions League Ee Xili Ciyaareedka Danbe

Date:

Ciyaartooyda kooxda Chelsea ayaan wax ciqaab ah kuma teysan dooninsidoo kalena aan wax mushaar dhimis ah la kulmi doonin hadii ay kooxda ku guuldareysato u soo bixitaankooda tartanka horyaalada yurub ee Champions League ee xili ciyaareedka danbe.

Chelsea ayeey musiibo ku habsatay xili ciyaareedkaan waxayna dhibaato ba’an kala kulmeen gaarista guulaha inkastoo ay sanadkii hore si sahlan ku dhaafaacn dhamaan kooxihii ay la ciyaareen marka laga reebo Southampton iyo Man City oo ay barbaro ku kala bexeen dhamaan afartii kulan ee ay wajaheen laakin taas cagsigeeda waxay sahal u noqdeen in shabaqooda daris la noqdo goolal sidii daadka ugu fataho halka abaar aan kla arag oo goolal la’aan ah ay afka hore ka fariistay, laakin ciqaatbaasi ayaana ciyaartooyda kooxda loogu dari doonin ciqaab kale oo ah in lacagta lagu yareeyo sida ay maanta daabacday The Daily Telegraph.

Inkastoo ay Blues weyn doonto lacag ku dhaw £40 milyan oo pound ka ingiriiska ah hadana xidigaha uu kamid ka yahay Eden Hazard (haduu sii joogo kooxda) ayaan waayi doonin mushaarkiisa £200,000 oo pound isbuucii, laakin hoos u dhac weyn oo dhaqaalihii TV-ga ah iyo suuragalnimada cunaqabateen suuqa laga saaro ayeey ku dhici karaan maadaama mushaaraadka ay bixinayaan uu aad u badan yahay, laakin hadii ay kooxda isugu filnaanto soo saarista dakhli ay ku bixiso mushaaraadka ciyaartooyda, waxay xitaa awood u yeelan doonaa iney sameeyaan saxiixii ay doonaan iyagoo aan wax ciqaab ah ku muteysan karin dhaqdhaqaaqooda suuqa.

 

Si kasto ciyaartooyda kooxda qaarkood ayeey u badan tahay iney isaga tagaan Blues waxaana la qorayaa in Diego Costa uu doonayo ku laabashada Spain halka Hazard iyo Thibaut Courtois ay diirada u saaran yihiin kooxaha waa weyn ee yurub qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...