Somaliland: Maayar Ku Xigeenka Lughaya Oo Wasiirka Maaliyada Ku Cambaareeyay Wax Uu Ugu Yeedhay Xad-gudub Guracan Oo Ay Ku Hayso Degmada Lughaya

Date:

Mayar ku xigeenka Degmada Lughaya Mud.Xasan Daahir Dhinbiil Webar ayaa cambaareeyay socdaal Wasiirada Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ku timid dhawaan Degmada Lughaya, Waxana uu Maayar ku xigeenku eedayn dusha uga tuuray Wasiir Samsam isaga oo ku eedeeyay falal uu ku tilmaamay, kalaqaybin, faqooq, iyo ku tumasho dastuur oo ka dhan ah dadka degmada Lughaya.

Mayar ku xigeen Dhimbiil oo shabakada kula soo xidhiidhay khadka taleefanka ayaa yidhi “Waxa shalay ay wasiirada Maaliyada Marwo Samsam keentay deeq raashin ah deegaanada Cabdi Geedi iyo deegaano ka tirsan degmada Lughaya, Raashinkaas ayay Wasirada iyo Mauuliyiin kale oo la socotay si hoose uga qaybiyeen degaano gaar ah oo ay degaan dad ay isku hayb iyo qabiil yihiin, arinaas waxa aa u aragnaa inay tahay mid ay ku kala faquuqday dadkii deeaagkaasi wada deganaa ee walaalaha ahaa, waa mid bar madow ku ah degmada iyo dadka wada dega ee ay abaaraha iyo masiibooyinka kale wada daashadeen,

Ïsaga oo hadalka sii wata waxa uu Maayar ku xigeenku yidhi “Dastuurkii dalkani lahaa waa lagu tumanayaa taasina waxa u daliila markay Wasiirada Maaliyada Marwo Samsam ay shalay timid Cabdi Geedi iyo Ceel-cade oo wax kayar 10km u jira xaranta degmada Lughaya, waxa ay degaanadaas si dastuurka khilaafsan ugu abtirisay inay ka tirsan yihii degmada Daarsalaam. Arintana si adag ayaan u cambaaraynaaa, waxaan u ragnaa gaf iyo ku tumasho dastuur oo madaxdii dalku ay horsed ka tahay, cawaaqib xumana dhalin karta”

Maayar Ku Xigeenka Degmada Lughaya Mud. Xasan Daahir Dhimbiil waxa uu intan daba dhigay “Xuduudaha dalka waxa u qaabilsan Wasaarada Arimaha Gudaha balse waligay ma maqal meel ay Wasaarad Maaliyadu ku kala qaybiso xuduudaha degmooyinka, waxana ceeb ah inay Wassiradu soo ka xaysato Mayarka Hargaysa ka Daahirsalaam iyo masuuliyiin ka socotay degmada Berbera aiyada oo haba yaraatee anaga oo ah Masuuliyiintii degmada Lughaya ee ay raashinka keentayna naga dhuumato”

Mayar ku xigeenka degmada Lughaya Mud.Xasan Dhinbiil ayaa sidoo kale xukuumada ku eedeeyay wax ka qabasho laáanta lixda goobood ee diiwaangalinta ka xidhan oo ka tirsa degmada Lughaya, waxana uu yidhi “Dadka degan lixda goobood ee xaniban waxa laga takooray Somaliland inteeda kale ma garanayo sababta loo takooray dadkaasi ma helin xaqii uu dastuurku siiyay ee ahaa inay wax doortaan, inta taaiikhda Somaliland ahayna doorasho kama dhacin, diwaan galina hadalkeedaba daa, mana fahmin wax ay xukuumadu ka damacsan tahay goobahan ay muwaadiniintu degan yihiin iyo sida ay ugu talinayso”

Mayar ku xigeenka ayaa ugu denbaynii Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay in uu wax ka qabto wax uu ugu yeedhay xadgudyada guracan ee Wasiirada Maaliyadu ku hayso degmada Lughaya, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay xukuumada iyo hayadaha gurmadka inay deeqo gargaar la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu naafeeyeen ee degmada Lughaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...