Somaliland: Firxadka Isbahaysigii Garabka Isbadal doonka Kulmiye Oo Qaar kood lagu Dhex arkay Safarkii La Baxay Sama-Wadde ee Xisbiga Waddan

Date:

Siyaasiyiinta Garabka isbadal-doonka xisbiga kulmiye ayaa markii ugu horaysay si wayn looga dhex dareemay Safarkii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani uu ku Marayey degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaad Gobalka Togdheer  ee loogu magac daray Sama-wadde.

Xildhibaano iyo wasiiro Hore awood badan ugu lahaa  xukuumada Madaxwayne Siilanyo iyo xisbiga Kulmiyeka hor intii aan khilaafku soo kala dhex galin  ayaa mar kaliya shaaca ka qaaday warar tuhun ah oo sheegayey in safarka Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ay wahelinayaan siyaasiyiin ka tirsan isbadal-doonka kulmiye .

siyaaasiyiinta Safarka sida tooska ah looga dhex arkayey waxa ka mid ahaa Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, iyo Wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada Ganacsiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir oo mar qudha ka soo dhex muuqday waftigan Xisbiga Waddani ee wacyigalinta iyo dhoola-tuska taageero ee gobalka togdheer safarka ugalay.
xogo kale oo aan si toos ah usoo shaac-bixin ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee Wasaarada Madaxtooayada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu Saamayn ku lahaa safarkaa Xisbiga Waddani siiba Diyaar-garawga iyo abaabulka Deegaanada Bariga Magaalada Burco oo ka mid ahaa dhulkii sida wayn looga soo dhaweeyey gudoomiye Cirro .
In kasta oo aanay wali masuuliyiintan xisbiga kulmiye ka tirsani shaacinin meel ay kaga tanaasuleen xilkii iyo xubin-nimadii xisbiga KULMIYE iyo Garabkii ay ka tirsanaayeen ee isbadaldoonka kulmiye la baxay waxa muuqata in kooxdan isbadal-doonka Xisbiga Kulmiye ay yihiin kuwo ka rajo go,ay in ay heshiis ka gaadhaan khilaafka ba,an ee kulmiye iyo hanashada damacoodii siyaasiga ahaa taasina waa ta keentay in ay u soo xagal dabcaan Xisbiga Mucaaradkaa ee Wadani sidii ay xubno uga noqon lahaayeen ama ay siyaasadiisa uga qayb qaadan lahaayeenIS2.

IS

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...