Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Xukuumadiisa iskugu yeedhay Shir lagaga Hadlayey ka Hortaga Qiima Dhaca Shilinka Somaliland.

Date:

Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Qasriga Madaxtooyada shir muhiima ah oo balaadhan ugu yeedhay dhamaan madaxda Xukuumada oo ka kooban Xubanaha Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Gudoomiye-yaasha & Maayeeyeyaasha hay’adaha madaxa banaan, iyo Taliyeyaasha Ciimada Qaranka ee kale duwan. Shirkaas oo ay dulucdiisu ahayd in Xukuumaddu ay ka wada hadasho doorka kaga beegan kor u qaadida Aaminaada iyo isticimaalka lacagta Somaliland iyo ka hortaga qiimo dhaca shilinka Somaliland.

Madaxweynuhu bishii 12-aad bilowgeedii wuxuu guddi kooban oo Madaxweyne ku xigeenka Somalililand Mudane Cabdiraxmaan Saylici uu hogaaminayo u magacaabay arrinan, gudidaas oo aan aniguna xubin ka ahaa. guddidaasi waxay ka turjumayey muhiimada aaanu Xukuumad ahaan siinaynay arrintaa iyada ah, garwaaqsashadeeda iyo xal u helideeda. in Madaxweyne ku xigeeenku guddidaa hogaaminayey waxay ka turjumaysaa muhiimada iyo culayska ay lahayd. Mudo ayaanu wadnay arrintaa iyada ah, waxaanu kulamo la yeelanay Madaxda Baanka Dhaxe ee Somaliland, wax kale oo aanu xog waran balaadhan la yeelanay, Wasaarada Maaliyada iyo dhamaan dadka ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad oo ilaa 86 shirkadood oo liisamo leh. waxa kale oo aanu la kulanay shirkadaha waaweyn ee baananka leh, sidoo kale waanu ka kulanay dad khuburo ah oo madax banaan oo dhaqaale yahano ah, Guddidaasi go’aamadii ay gaadheen ee hordhaca ahaa Talooyinkii ay Madaxweynaha u soo jeediyeen wixii uu ka qaatay wuxuu ku daray khudbad sanadeedkii labada Golle uu dhawaan ugu jeediyey Aqalka Golaha Guurtida.

Arrinta dhibaatadaas soo baxday ee ah lacagteenii oo qiimo dhacday, waxaanu xaqiijinaynaa in arrintaa aanu dawaynaynaa aanay ahayn Sixir barar. Waayo Sixir bararku waa wax gaara, arrinta aanu hada ka shaqaynayaa waxa weeye lacagtii Somaliland oo qiimo dhac ku yimid. Ugu horayn inaad garwaaqsato inaad bugto ayaa wax weyn ah, ma daweyn kartid xanuunka ilaa aad ogaato, baadhitaankayagaas arrimaha qaarkood wali waanu wadnaa, waanakii Madaxweynuhu uu khudbada ku daray in lacagaha Electronic money-ga ahi ay saamayn ku leeyihiin qiimo dhaca lacagteena, arrintaa gacanta ayaa lagu hayaa, walina wax go’aan ah lagama soo saarin.

Hasayeeshee dhaliilahaasi waxay u qabsan yihiin laba qaybood, mid waxa leh shacbiga Somaliland iyo ganacsatada xal u helideedana waxa laga doonayaa in qarankan muwaadiniintiisu ay ku talaabsadaan. waxana muhiima inaynu gacmaha isku qabsano wanaajinta lacagteena, waayo waa wax aynu wada leenahay. qiimo dhaca lacagteenu wuxuu soo taagnaa ilaa 1994-kii ilaa maalintii la daabacay, intaana waxa lagu waday xal ku meelgaadh ah ayaa lagu dawaynayey, maanta waxa aynu u baanahan xal waara oo salka u dhiga qiimaha lacagteena iyo Aaminaadeeda. Qaybta muwaadiniinta khusaysaa waa inay lacagta isticimaalaan, inay aaminaan, iyo inay lacagta guriyaha dhigtaan oo aanay lacagtu ku ururin baanka oo kaliya iyo nin sarifle ah waana sida ay hada ku socoto hadii aanay xal helin.

Hadaba kulankani wuxuu daaranaa in dhinaca Xukuumadda waxa ku waajibka ah ee daaran in aanu ka wada hadalno, guud ahaana waxanau isla qaadanay Xukuumad ahaan in aanu meel marino Sagaal qodob oo muhiim ah.”

ALLE mahad leh.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...