Somaliland: Wefti uu Hoggaaminaayo Guddoomiye Cirro oo Caawa Fiidkii Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Magaalada Burco

Date:

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ay wehelinayaan wasiirkii hore ee wasaaraddii caafimaadka xukuumaddii Daahir Ra’yaale siyaasi Cabdi Haybe, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, madax-dhaqameed, ganacsato iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, ayaa galabta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Waxaana weftigan oo u jeedkiisu yahay wacyi-gelinta diiwaan iyo sida oo kale u kuur-gelidda qaabka ay u socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobalka Togddheer, ay ku soo dhaweeyeen duleedka waqooyi ee magaalada Burco, gaar ahaanta degmada Qoyta oo u jirta 20km, mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo hore hawlo shaqo ugu joogay magaalada Burco oo ka ay ka mid ahaayeen guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, Xoghayaha guud ee xisbigaas Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, mas’uuliyiin kale, madaxda gobalka ee xisbiga WADDANI, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal aad u tira badan.

Weftigan oo markii ay soo gaadheen degmada Qoyta ay taageerayaashu ku qaabileen calamo qoyan, calanka xisbiga WADDANI, sida oo kalena ku dhawaaqayey hadalo ay ku soo dhaweynayaan weftiga uu hoggaaminayo guddoomiye Cirro, ayaa ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI, isaga oo sheegay in uu ay aad u soo dhaweynayaan guddoomiyaha iyo weftigiisaba.

“Dhammaan taageerayaasha baaxadda leh ee xisbiga WADDANI, waxa aan lee yahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida qiimaha badan ee aad weftiga u soo dhaweyseen, waxaana Illaahay mahaddii ah in aynu magaalada Burco ee gobalka Togdheer aynu ku soo dhaweyno guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminaayo.”.Ayuu yidhi Md.Axmed Muumin Seed

Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isna ka mid ahaa weftiga guddoomiyaha, ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweynta loo sameeyey weftiga, waxaana uu ku booriyey shacabka reer Togdheer in ay si mugleh isu diiwaan-geliyaan.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay soo dhaweyntan qaaliga ee aad noo samayseen, soo dhaweyntan diiran ee yididiiladdu ka muuqato iyada oo u jeedkayagu yahay diiwaan-gelintii, waxa aanu rajeynaynaa in aad si ballaadhan isu diiwaan-gelin doontaan.”.Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble

Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ee xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Cabdi Haybe, oo isna hadal kooban ka jeediyey madashaasi, ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweynta loo sameeyey isaga iyo weftiga uu wehelinaayo.

“Aad iyo aad ayaan idiin ka mahad-naqaynnaa soo dhaweynta ballaadhan ee aad noo samayseen aniga iyo weftiga uu hoggaaminaayo guddoomiyahu, arrinka loo socdaana waa kaliya uun siddii diiwaan-gelinta la iidiin kala qeyb-qaadan lahaa, si dhammaantiinba aad isu diiwaan-gelisaan.”.Ayuu yidhi Siyaasi Cabid Haybe

Xogahayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna halkaas ka hadlay kana qeyb-qaadanayey soo dhaweynta weftiga, ayaa waxa uu yidhi:“Dadweynaha reer Burco, aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh ee ay u qaabileen weftiga guddoomiyaha, waxa aanu umadda reer Burco u sheegaynnaa in aan guddoomiyahu u soconin olale siyaasaddeed, waxa kaliya uu u socdaa siddii ay diiwaan-gelinta qaranku u hirgeli lahayd si qaranimo ah, ayuu doonayaa in uu gobalka oo dhan kaga hawl-galo illaa xuduudka.”.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, aya shacbi weynaha reer Burco uga mahad-celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee ay ku qaabileen shacabka reer Burco, waxaana uu halkaas kaga dhawaaqay u jeedka socdaalkiisa.

“Dhammaan shacbi weynaha isu dhan ee magaalada Burco iyo degmada Qoyta-ba aad iyo aad ayaan uga mahad-naqaynaa soo dhaweynta qiimaha badan ee qalbiga xaadhan, ee kal-gacalku ka muuqdo, waxa aan idiin ku nimi siddii aanu idin kala qeyb-qaadan lahayn mashruuca qaran ee diiwaan-gelinta, annagu u maanan iman in aanu halkan ka olaleyno, waad na aragtaan oo ciidan ma wadano, koofiyad cas ma wadano, taangiyo ma wadano, waxa aanu doonaynaynaa in aanu Burco kolba xaafad seexanno, oo shacbiga Burco mideynno, haddii Illaahay ka dhiga , waxa aanu doonaynaa in aanu xuduudka iyo meel kasta oo diiwaan-gelintu ka socoto in aanu gaadhno, oo hubino in diiwaan-gelintu ay siddii la rabay u hir-gashay, shacbiga Somaliland dhammaantii waxa  aanu ugu baaqaynnaa in diiwaan-gelinta ay is-diiwaan-geliyaan, gaar ahaan shacabka Togdheer oo ah gobalkii ugu horeeeyey oo ay ka billaabantay, waxa aanu ugu baaqaynaa in qof kasta oo muwaadin ahi uu hal mar oo kaliya uu is diiwaan-geliyo si uu xaqqa uu lee yahay uu u helo. Diiwaan-gelintaasi wax badan ayey dalka u taraysaa, waxa ay wax-ka-taraysaa aqoonsigeenna, waxa ay wax ka taraysaa doorasho wanaagsan in aynu helno.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...