Somaliland: Xukuumadda oo ballan-qaaday inay wax ka qabaneyso cabashooyin Ganacsatadu ka muujiyeen lacago lagu kordhiyey Alaabooyinka ay Dekedda Berbera kala soo degaan

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Kayser Cabdillaahi Axmed, ayaa ka xog-waramay ujeeddada kulan ay Shalay Xarunta Wasaaraddaas kula yeesheen Qaar ka mid ah Ganacsada Dalka.

Wasiir Kayser, waxa uu sheegay in Ganacsatada ugu tagtay Wasaaraddu ka mid ahaayeen Ganacsatada isla-markaana u soo gudbiyeen Cabasho ka dhan ah Maamulka Dekedda Berbera oo lacago dheeraad ah ku soo rogay Alaabooyinka ay halkaas kala soo degaan, sidaa daraadeedna ay doonayaan in Wasaaradda Ganacsigu hoos u eego Cabashadooda oo wax laga qabto.

Kayser Cabdillaahi Maxamed, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Waxaa  Xarunta Wasaaradda Ganacsiga noogu yimid Qaar ka mid ah Ganacsatada Jamhuuriyadda Somaliland. Sababta ay noogu yimaaddeen waxay ahayd oo ay ka cabanayeen lacago lagu kordhiyey Lacagta lagaga qaado Dekedda Berbera, waxayna ku doodeen Ganacsatadu in aanay awoodi karin, markaa maaddaama oo Wasaaraddu tahay Wasaaradda Masuulka ka ah Ganacsatada waxay noogu yimaaddeen inay noo sheegaan Cabashadooda, waanu la kulannay aniga iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim.”

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo sii hadlaya, ayaa sheegay inay dhageysteen Cabashada Ganacsatada isla-markaana u ballan-qaadeen inay wax ka cabanayaan, “Waanu dhageysanay Cabashada Ganacsatada oo waxaanu u ballan-qaadnay in Cabashadooda wixii aanu ka qaban karno aanu ka qaban doono, waanad Ogtihiin Dekeddu way ka Madax-bannaan tahay (Wasaaradda Ganacsiga).”

Maamulka Dekedda Berbera, ayaa hore u sheegay in Lacago lagu kordhiyey Koontiinnarada ay alaabooyinka ku soo qaataan Ganacsatadu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...