Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo la kulmay Wasiir Ingiriis ah & Qorshe Baarlamaanka Yurub lagaga dalbanayo Aqoonsiga oo socda

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Shalay kulan kula qaatay Wasaaradda Khaarajiga Ingiriiska Wasiirka u qaabilsan Afrika Mr. James Duddridge xafiiskiisa London.

Kulanka dhexmaray Wasiir Aarrimaha Dibedda Dr. Sacad oo ku wehelinayey Wakiilka Somaliland u jooga Ingiriiska iyo Mr. Duddridge, oo Shalay ka dhacay xarunta Arrimaha Dibedda Ingiriiska ayaan labada dhinac midkoodna tafaasiil ka bixin qodobbadii ay ka wada hadleen, marka laga yimaaddo muuqaalka sawir dhinacyadu si wada jir ah iskaga qaadeen.

Kulankan oo ku beegmaya booqasho muddooyinkii ugu dambeeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ku joogay dalka Ingiriiska, ayaa qeyb ka ah ballamo badan oo u qorshaysan inuu la yeesho Madaxda Xukuumadda Ingiriiska, hay’adda kaalmooyinka caalamka Ingiriiska ee DFID iyo xubno kale oo ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaaka Yurub.

Wargeyska codka somaliland oo dhawaan wax ka weydiiyey Dr. Sacad Cali Shire booqashadiisa Ingiriiska iyo kulamada ilaa xilligan u qorshaysan ayaa ku jawaabay, “Kulankaygu laba dhinac weeye, booqasho shaqsi ah iyo mid shaqo, oo dhinacyo kala duwan sida Xukuumadda Ingiriiska madaxdooda qaar ka mid ah, Madaxda Hay’adda DFID ee kaalmooyinka caalamka iyo kulamo kale.”

Dhinaca kale, xildhibaan James Carver, oo ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub, si weyna ugu ololeeya qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ayaa sheegay inay kulan la yeelanayaan Wasiirka A Dibedda Dr. Sacad Cali Shire horaanta bishan.

Mr. Carver oo ka jawaabayey su’aal Wargeyska Himilo ka weydiiyey suurtagalnimada in qaraar la xidhiidha aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland ay hordhigi karaan fadhiyada Baarlamaanka Yurub, ayuu Mr. Carver ku jawaabay khamiistii hore, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo,

“Kulan ayaan ku ballansan nahay inaan yeelano Wasiirka A Dibedda Dr. Sacad Cali Shire aan arrimo badan kaga wada hadli doono.”

Si kasta ha ahaatee, booqashada Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire xilligan ku joogo dalka Ingiriiska, ayaa la saadaalinayaa inay dardar cusub geliso xidhiidhkii iskaashi ee hore ugu dhexeeyey labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...