Guddida doorashooyinka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco iyo taliye qaybeedyadda ciidamadda ee magaaladda Burco.
Af-hayeenka koomishanka doorahooyinka Siciid Cali Muuse, oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen maamuuka gobolka Togdheer, ka degmada Burco iyo taliye qaybeedyada ciidamadda ee gobolkaasi,Waxaanu yidhi “Sida aad la socotaan gobolka Togdheer, waxaa dhawaan ka bilaamaysa diiwaangelintii cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, bishan January 16-keeda. Markaa waxaan maanta (shalay) la shirnay guddoomiyaha gobolka Togdheer, maayarka Burco, iyo taliyeyaasha ciidamadda, waxaananu kala shirnay sidii diiwaangelinta gobolka Togdheer ka bilaabmaysa aanu uga wada shaqayn lahayn.”
Siciid Cali Muuse, waxa uu intaa ku daray “Iyadoo ay tahay gobolka ugu horeeya ee laga bilaabayo diiwaangelinta cod-bixiyaasha. Halwhaha aan ka wada hadlanay waanu isku af-garanay, waxaana ay ahayd sidii la isaga kaashan lahaa qabsoomidda diiwaangelinta iyo xagga wacyigelinta. waxaana ay noqdeen wax aanu isku af-garnay, oo aanu wada falaqaynay.Annagoo maalmaha soo socda joogayna magaaladda Burco, waxaanu booqan doonaa degaamadda gobolkan, waxaanan rejaynayaa in ay noqdaan wax hirgalay, sidii aan isla qaadanay maamulka gobolka, degmadda iyo taliyeyaasha qaybaha ciidamadda.”