Somaliland: Golaha Wakiiladda oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2016-ka

Date:

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2016-ka, taasi oo doodeedu ay maalmihii la soo dhaafay ka socotay golaha.

Fadhigii maanta oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax, waxay miisaaniyada raaciyeen lifaaq ka kooban dhawr qodob, oo baddi xildhibaanada golahaasi soo jeediyeen in lala ansixiyo miisaniyada.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, oo sharaxaad ka bixinayay qodobada ay goluhu miisaaniyada raaciyeen waxa uu yidhi “Xildhibaanadu waxay isku raaceen in lacagtii saxaafadda ugu jrtay miisaaniyada ee guddida dhaqaaluhu hore uga saareen in lagu soo daro oo sideedii loo daayo. Guddida dhaqaaluhu waxay soo jeediyeen in maxaabiista jeelasha ku jirta qofkiiba loo kordhiyo labba kun oo shilin.

Hay’addaha aan miisaaniyada ku jirin waa in muddo saddex bilood ah sharcigoodii loo soo sameeyaa. Lacagtii 2% ahayd ee gobolada bari waa in la maashaariiceeyaa. Waa in miisaaniyada la goboleeyaa oo hoos loo daadejiyaa.”
Fadhigaas waxa ka soo xaadiray 46 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xubnood ee golahaahi ka kooban yahay. In la ansixiyo miinaaniyad sannadeedka 2016-ka oo lagu daray lifaaqa iyo soo jeenta golaha wakiilada, waxa ogolaaday 40 xildhibaan, waxa diiday 5 xildhibaan, cid ka aamusatay may jirin, gudoomiyuhuna muu caodayn. Sidaana waxa golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen odoroska miisaaniyad sannaddeedka 2016-ka oo mudooyinkii u dambeeyayba golahaas hortaalay.

Dhinaca kale, Miisaaniyad sannadeedkan ayaa waxa lagu soo dib xildhibaanad ugu soo dareen kharashaad ugu jiray ururka suxufiyiinta ee SOLJA, oo ay hore guddida dhaqaalaha ee golahaasi sheegeen in ay miisaaniyada ka saareen. Kharashaadkan ugu jira ururka suxufiyiinta ee SOLJA ayaa waxa miisaaniyada ku xusan in lagu dhisi doono dugsi lagu barto culuumta saxaafadda oo Somaliland yeelan doonto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...