Somaliland: Cabdirashiid Dahabshiil Waxa uu aaminsan yahay in bulshada la maalgeliyo oo wax la taro

Date:

Weriyaha Vincent Defait, oo ka socdey wargeyska faransiiska ah ee Le Monde ayaa dhowaan Cabdirashiid Maxamed Siciid, Guddoomiyaha Dahabshiil Group,  kula kulmay Hargeysa, halkaas oo uu ka diyaariyey warbixin xiiso badan, waxana ay u dhacday sidatan,  iyada oo lagu tarjumay, laguna tifatiray af Soomaali.

Hawlmaalmeedka iyo sawaxanka wax-kala-iibsiga ee suuqa xoolaha ee Hargeysa, ganacsatada ku sugan ee xoolaleyda ahi way ku farxaan marka ay fool-ka-fool ah isu qaabilaan ninka mas’uulka ka ah ee bixiya amaahaha yaryar ee ay qaarkood ama aqooninkoodu ku hawl galaan. Siigada ku dhacda kabahiisa, ma aha Cabdirashiid nin ay dhib ku hayso.

Laba saacadood keli ah ayaa ka soo wareegtey markii iigu horreysey ee aan la kulmo  Guddoomiyaha Dahabshiil, shirkadaha u waaweyn xawilaadaha lacagaha ee Afrika. Waa nin weji furan oo aan innaba wax islaweyni ahi ku jirin.

Suuqa Hargeysa, caasimadda Somaliland, marka uu dhex marayo awrta iyo dadweynaha tirade badan, suudhka uu xidhan yahay ee loogu talo galay bangiyada, waxa uu u muuqda mid casri kale ka jira. Cagihiisu si quman ayay dhulka ula haystaan. Waa dhulkii uu yaraantiisii ku soo barbaaray.

“Bishii may 27dii, waxa aan joogey Burco, oo dhawr boqol oo kiiloomitir haatan u jirtan Hargeysa. Jimce ayay ahayd markii SNM dagaal ku soo qaadeen ciidamadii dawladda ee markaa joogey. Daryanka madaafiicda iyo rasaasta ayaa meel walba laga maqlayey. Welgey ma illaawi doono maalintaa 27 May 1988..”, ayuu ii sheegay Cabdirashid annaga oo beerta Ambassador Hotel markaa ku sugan.

Saddex maalmood ka dib, waxa Cabdirashiid la qaxay aabihii iyo xubnaha qoyskooda intii kale iyaga oo gaadhey deegaan miyiga ah oo dadkooda ool u ahaa. Dhawr bilood ayaa inankii yaraa (Cabdirashiid) dhirta iyo dayaxa hoos seexanayey habeenkii.

dahabshiil-business-center

Dhul ka soo kabanaya dambaskii, ayaa aabihii ka bilaabay inuu dib u soo nooleeyo meheraddii iyo ganacsigii qoyska. Dahabshiil, waxa uu bilaabay inuu raashin iyo bagaash ka soo waarido Khaliijka Carabta si uu dib uga gado suuqyada Soomaalida.

Ganacsade Dahabshiil waxa uu ganacsigiisii isaga dab qaaday Ethiopia, Djibouti iyo Imaaraadka Carabta.

“Soomaali inay wax taraan dadkooda ay kaga yimaadeen gudaha doonayey ayaa meel walba joogtey. Sidaa ayaa Shirkaddu ku soo unkantay oo ku hanaqaadday,” ayuu yidhi Cabdirashiid.”Aabbe waxa uu dhex mari jirey dadka oo ka ururin jirey lacagaha la dirayo iyo aqoonsiga cidda diraysa iyo cidda loo dirayo, halkaa ayuu la soo guryo noqon jirey. Tigidhada siisocod iyo soosocodka ah ayaa sii kordhayey.  Kalsoonida qofka lagu qabo iyo aaminnimada ayaa ahayd furaha horseeday guusha iyo xidhiidhka waara ee Soomaalidu isku tixgeliso”.

Sannadkii 1989kii ayaa qoyskii ka gudbey xuduudka oo degey Diridhaba, Briga Ethiopia. Ganacsigii wuu koray. Dad aqoonin iyo qaraabo ah oo Maraykanka iyo Ingiriiska degey ayaa waxa ay unkeen goobihii u horreeyey ee lagu qabto lacagaha magaca Dahabshiil loogu soo dirayo xeryihii iyo deegaannadii dadku u soo qaxeen – gudo iyo dibedba. Faagasyo iyo reeryawyadii (Hello! Hello!) lagu wada hadalayey ayaa xawli galay.

“Xog oo dhan gacan ayaa lagu gelin jirey diiwaannada,” ayuu yidhi.

Laba sannadood ka dib markii uu burburay xukunkii Siyaad Barre, ayaa qoyskii soo guryo noqday, Cabdirashiidna loo direy UK (Ingiriiska) si uu wax u soo barto.

xoolo

“Waxa aan ka door bidey inaan wakhtigayga shaqada geliyo, oo aan dalka aan tegey meel walba ugu tago macaamishayada. Waxa aan u jeclaa xilliyada kiristmaska waayo waddooyin cidla ayaan heli jirey,” ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkad ka mid ah kuwa u saamaynta badan Afrika, isaga oo dhoollacaddaynaya.

Si tartiib-tartiib ah ayaa inankii ula wareegey hoggaankii shirkadda. Labaatan sannadood ka dib, Dahabshiil waxa uu ka hawlgalay 126 dal oo 40 ka mid ahi Afrika tahay, iyada oo shirkaddu xafiisyo waaweyn ku yeelatay magaalooyinka ay ka midka yihiin London, Hargeisa iyo Dubai, iyo meelo ka baxsan dhulalka Soomaalida sida Uganda, Rwanda, Ethiopia, Koonfurta Sudan oo ka fog meelaha Soomaalidu u badan tahay.

“Waddannadan oo dhami colaado sokeeye ayay soo mareen. Dhammaantood waxa ay leeyihiin jaaliyado qurbaha ku maqaan oo u jeellan inay dadkii waddannadooda kaga hadhay wax taartaan. Sidaa ayuu Dahabshiil ku guuleysey maadaama uu yahay mid ka dhashay qaaradda, taas oo suurtagelisey biriij xidhiidhiya oo la hubo,’ ayuu yidhi Cabdirashiid

Dhacdadii 11 september 2011, isu-diriddii lacagaha shaki ayaa dunidu ka muujisey. Hoos ba loo eegay. Waxa la aaminey in sida dhakhsaha ee lacagaha la isuhu xawilo loo soo dhex raaci karo. Dahabshiil dibedda kama ahayn shirkadaha dhiggiisa ah.

Sababaha waxa ka mid ah in ugu yaraan 1.5 Soomaali ah oo dibedaha ku nooli lacag xaddigeedu ku dhow yahay hal bilyan oo Doolarka Maraykanka ah u soo dirayeen sannadkii Geeska Afrika.  Taas ayaa keentay in Barclay Bank uu 2013 xidho akoonnadii shirkado badan oo lacagaha dira oo Dahabshiil ku jirto.

“Maanta waxa indhaha dunidu arkaan in si la mid ah shirkadaha dhiggayo ah ee Western Union iyo MoneyGram qawaaniinta caalamku u hubiyo qaabka aannu lacagaha diridooda u marno,” ayuu yidhi.

Somaliland gudaheeda, waxa uu Dahabshiil dhowaan ka bilaabay Bangi Islaami ah iyo –wax-amaahinta ganacsatada soo kacaysa/koreysa.

“Tani waxa ay jid u tahay sidii dadka iyo deegaannada wax dib loo gashan lahaa oo loo maalgelin lahaa,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

“Wakhtigaygu 50% waxa uu gala socdaal”, ayuu yidhi.

Sooyaalka shakhsi ahaaneed ee Cabdirashiid waxa uu ku milmay oo la mataanoobey kan Shirkadda Dahabshiil.

Cabdirashiid waa nin Ilaahay u fududeeyey xarragada, curinta, dad-dhexgalka iyo soo-jiidashada bulshada.

Cabdirashiid waxa uu qiray in meelaha u badan ee uu ka helo afkaarta ugubka ah ee caafimaadka qabta ay tahay marka uu dhex galo bulshada ee dadka kula kulmo meheradahooda sida timajaraha, hudheellada, maqaaxiyaha, iwm.

lemondeafrique-300x53

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...