Somalia: Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay waddada Maka Al-mukarama Muqdisho

Inta la og yahay shan qof ayaa ku dhimatey 10 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii maanta oo Sabti ah gaari ku qarxay waddada Makka al-Mukaram ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid la doonaayey in lo adeegsado weerar  ayaa loo isticmaaley gaari lagu soo araray bom, kaas oo looga tegey waddaa dhinaceeda.

Wadadda waxaa markaas marayey Guddoomiyaha Gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye oo loo yaqaan Cirfo, waxaana soo gaarey dhaawac aan cusleyn, sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in uu ku dhaawacmey Taliyihii Saldhigga Waaberi Cali Muuse iyo 4 askari oo la socotey.

Dad ku dhawaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay arkeen 5 qof meydkood, Qaraxan aya sioo kale burbur gaarsiiyey dhisamyaashii ku dhaaa iyo goobo ganacsi, goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku dhaw Waaxda Socdaalka Soomaaliya ee bixisa Baasaboorada.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay weerareen saraakiil ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin qaraxn maanta ka dhacay Muqdisho.

Comments

comments