Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sharaxay hawlaha doorashada ee ay abaabulkeeda gacanta ku hayaan. Wuxuu sheegay in wakhti dhaw balse aanu cayimin ay gobolka Togdheer ka bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyeyaasha.
Komishanka oo muddo sanad ku siman xilka hayay waxay sheegeen inay hawlo badani u qabsoomeen, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in dhaqaale ku filan loo helo doorashada. Waxa uu sheegay in dalalka caawiya Somaliland laga filayo inay soo daayaan lacagta ay ugu talo galeen doorashada.
Waxa uu sidoo kale ku dooday in laga waantoobo dhaliilaha loo jeedinayo guddida doorashada, isagoo ku dooday inay jiraan dad dano shakhsi ah oo ay komishanka ka waayeen u mucaaradaya.