Somalia: Diyaaradii Muqdisho kusoo dhacday oo Saad u siday AMISOM

Date:

Waxaa socda dhaq dhaqaaq lagu daabulayo Xamuulkii ay siday diyaaradii xalay kusoo dhacday duleedka magaalada Muqdisho ee deegaanka Carbiska.

Diyaaradaani oo nooceedu ahaa Airbus A300 ayaa soo dhacday kadib markii cilad farsamo lasoo daristay uuna shidaalka ka dhamaaday.

Waxaa diyaaradan leh shirkad Masaari ah ee xamuulka [Tristar Air Cargo] waxaana saarnaa 6 shaqaale ah oo u dhashay dalka Masar, kuwaasi oo dhamaantood badbaaday, walow labo kamid ah la sheegay in dhaawacyo fudud soo gaareen.

EP-151019627 (1)

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan goobta diyaarada ku dhacday, iyadoo la billaabay in rarka diyaaradaasi laga dajiyo, waxaana si weyn illaalo looga hayaa hawlgalka ka socda deegaanka Carbiska.

Waa markii labaad oo diyaarad Saad Militari u sida ciidamada AMISOM kusoo dhaceyso magaalada Muqdisho, bishii Agoosto ee sanadkii 2013 ayey sidan oo kale diyaarad hub ka keentay dalka Itoobiya ay kusoo dhacday Airporka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cade diyaaradaasi oo burbur xoogleh ka dhashay, iyadoo ay ku dhinteen dhamaan shaqaalihii diyaaradaasi saarnaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...