Marwada Qaranka Somaliland oo ka mid ah Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Ireland,ayaa ku dhiiri galisay hay,adda dhanka samo falka iyo caawimooyinka ugu wayn dalkaas in ay gaadhsiiyaan gargaarkooda gobolada Bariga Somaliland ka dib markii ay xarunta hay,addaas kulan kula yeelatay madaxda ugu sarraysa.
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde,oo kulan heer kiisu sarreeyo ay ku qaabileen Madaxda ugu saraysa hay’adda ugu weyn waddanka Ireland ee Mucaawinooyinka gaadhsiisa dalalka Afrika, ee la yidhaahdo Concern World-wide Charity,ayaa ka dalbatay in ay kor u qaadaan caawimooyinka ay imika siiyaan gobolada galbeedka Somaliland ee ay ku sugan yihiin isla markaana ka dalbatay in ay sidoo kale gaadhaan gobolada Bariga Somaliland oo waxyaabo badan u baahan in laga taageero oo gacan looga gaysto.
Guddoomiyaha hay’adaas, Dominic MacSorely iyo saraakiisha sar sare ee Concern World-wide, ayaa Marwada u sheegay in laamaha ururkooda ee Afrika ay ka shaqeeyaan qaybo ka mid ah Gobolada Galbeed ee dalka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabilay, isla markaana,waxaanay marwada ka aqbaleen soo jeedinteeda ah in ay gobolada barigana gaadhsiiyaan arrimaha samo falka ee ay dalka ka qabtaan.
World-wide ayaa ah hay,adda samofal ee ugu wayn dalka Ireland waxaanay wax ka qabataa oo ay ka shaqaysaa Waxbarashada,Beeraha iyo dhaamamka biyo xidheenada ah.
Marwada Madaxweynaha Somaliland, waxaa kulankaa ku wehelinaayay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) La-taliyaha Madaxweynaha ee hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga Cabdifataax Siciid Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda.