Somalia: Maraykanka oo Muwaaddiniintiisa uga digay Safarrada ay ku tegayaan qaybaha dalka Somalia

Date:

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Somalia tagaan inaanay heli karin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maafdaama oo aanay jirin Safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Somalia oo dadkaasi kala talisa dhinaca Safarrada ama Socdaalka.

TravelAlert-614x201

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Somalia aanu ahayn mid xasillloon maaddaama oo ay weli weerarro wadaan Ururka Argaggixisada ah ee Al-Shabaab, isla markaana ay damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Somalia, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay Muwaaddiniinta Mareykanka ee tega ama ku sugan gudaha waddanka Somalia.

Waaxda arrimaha dibedda Marekanka, ayaa ku boorrisay Maraakiibta caalamiga ah inaanay ku safrin Biyaha Badda Somalia, iyadoo aanay la socon Maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga Biyaha Somalia si ay uga hor-tagaan halista Budhcad-badeedda.

Mareykanka, ayaa sidoo kale sannadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Somalia, ugana digay Muwaaddiniintiisa in ay ku safraan Somalia. Sidoo kale, marar kala duwan ayey dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiskuba digniino tan oo kale ah ka soo saareen Safarka Muwaaddiniintoodu ku tegayaan dalalka Somalia iyo Kenya cabsi dhinaca ammaanka ah dartood.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...