Somaliland: Dacwadii U Dhaxaysay Jaamacada Hargeysa Iyo Jaamacada Hargeisa International University Oo La Soo Gunaanaday

Date:

Waxa Axadii toddobaadkan si rasmi ah ay maxkamadda gobalka Hargeysa u soo gunaanaday dacwad u dhaxaysay jaamacada Hargeysa iyo jaamacad kale oo la baxday Hargeisa International University.

Jaamacada Hargeysa ayaa dacwad ku oogtay jaamacadan cusub oo uu aasaasay Dr. Cabdi Gaas oo hore guddoomiye uga ahaa jaamacada Hargeysa, waxaanay jaamacada Hargeysa jaamacadan ku eedaysay inay si sharci darro ah magaceeda u qaadatay.

Dacwadan oo bilaabantay toddobaadkii hore islamarkaana ay ka qayb galeen qareeno kala metelayay labada jaamacadood iyo madaxda jaamacada Hargeysa iyo madaxda jaamacadan HIU, ayaa fadhigii labaad oo loo balansanaa Axadii doraad waxa uu noqday mid soo gunaanada geedi socodka dacwada, ka dib markii uu maamulka Jaamacada HIU maxkamadda u sheegay inay ka tanaasuleen qaadashada magaca Hargeysa islamarkaana ay la baxeen Maroodi-jeex University.

Waxaana halkaas ku oodantay dacwadii u dhaxaysay labada jaamacadood, waxaana la filayaa inay maxkamadda gobalka Hargeysa soo saarto go’aanka gunaanadka dacwadan u dhaxaysay jaamacadaha.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...