Uk: David Cameron oo ku Dhawaaqay inay Ciidamo u Dirayaan Somalia

Date:

Raysalwasaaraha Britain David Cameron ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo gaaraya 370 u dirayaan dalalka Somalia iyo Sudanta Koonfureed.

Ciidamada Somalia loo soo dirayo ayuu sheegay inay gaarayaan 70 saraakiil iyo tababarayaal ah oo gacan siin doona ciidamada Nabad illaalinta Afrika AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia. Halka ciidamo gaaraya 300 loo dirayo dalka Sudanta Koonfureed.

Cameron oo qorshihiisa horgeyn doona shirweynaha Qaramada Midoobay ee maanta ka furmaya magaalada New York, ayaa sheegay in tilaabadan lagu xoojinayo amniga gobalka iyo la dagaalanka argagaxisada.

Dowlada Britain oo kamid ahayd kuwii horey tababarada usii jiray AMISOM ayaa in muddo ah sii xoojineysay dhaq dhaqaaqa ay ka wado dalka Somalia, arrintan oo la sheegayo inay salka ku heyso qorshaha Mustaqbalka Britain ku dooneyso inay awood ugu yeelato Somalia.

Kadib shirweynihii Somalia loo qabtay oo ka dhacay London sanadkii 2012, waxay dowlada UK gudaha Somalia ka waday dhaq dhaqaaq diblumaasiyadeed, iyadoo dowladaasi noqotay wadankii reerka Galbeedka ah ee ugu horeeyay ee Safaarad ka furatay Muqdisho.

Xukuumada Cameron ayaa sidoo kale xiriir dhaw lalaheyd shirkadii SOM Oil & GAS ee dhawaan fadeexada lasoo gudboonaatay, taasi oo olole xoogan ugu jirtay inay saameyn ku yeelato sharuucda Batroolka ee dalka Somalia iyo waliba hawlaha Wasaarada Batroolka iyo macdanta ee Dowlada Federaalka Somalia.

UK ayaa sidoo kale kamid ah dalalka dadaalka xoogan ugu jira inay saameyn ku yeeshaan dalka Sudanta Koonfureed ee shidaalka soosaara halkaasi oo ay sidoo kale ku sugan yihiin shirkado laga leeyahay dalka China.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...