Xukuumadda Somaliland ayaa galabta xoriyadiisii u soo celisay weriyihii TV-ga Somali Chanel ee magaalo xeebeeda Berbera, Maxamed Cabdilaahi Soo Fadhiiste oo muddo laba maalmood ah xidhnaa ka dib markii uu baahiyay qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Berbera oo ku foodhyaya Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo dadweynaha kala hadlayay fagaare lagu tukanayay salaadii Ciida.
Weriyahan la xidhay ayaa waxa si weyn ugu ololeeyay sii dayntiisa ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo si adag u naqdiyay habka loo xidhay suxufigaasi oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda dastuuriga ah ee madax-banaanida Saxaafadda iyo xoriyatul qawlka.
Sidoo kale, waxa iyaguna cambaareeyay xadhigii Maxamed Soo Fadhiiste axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland oo ku sifeeyay xadhigiisa tallaabo wax loogu dhimayo madax-banaanida saxaafadda isla markaana qayrul sharci ah.