laa 10 qof ayaa ku geeryootay Qarax fiitnimadii hore ka dhacay Iridka hore ee madaxtooyada Soomaaliya Ka soo horjeedka Hotel SYL oo madaxtooyada garabka ku haya, Dhaawaca ayaa ka badan khasaaraha dhimashada.
Weerarkan ayaa si toos ah lala eegtay barta kantarool ee madaxtooyada oo xigta dhinaca Hotelka dadka dhintay ayaa wararku sheegayaan in ay u badan yihiin askar halka ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.
Wararku waxay sheegayaan in Qarax uu bar tilmaameed u ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo xiligaas ka soo baxay Madaxtooyada villa Soomaaliya, Dhaawacyada dadka ayaa ka mid ah Gudoomiyaha degmada Warta-Nabada oo la sheegay in Qaybaha dambe ee jirka uu ka dhaawacmay.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliya weerarkan Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in weerarkan ay ku qadeen masuuliyiin ka mid dowladda, Dad Cadaan ah ayna la beegsadeen halkii uu hadafkoodu ahaa, Wuxuu sheegay in weerarada ay sii wadayaan.
Goobta Qaraxu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxayna isku wareejiyeen goobta qaraxu ka dhacay, Waxay xireen dhamaan wadooyinka gala madaxtooyada iyo Aaga uu Qaraxa ka dhacay.
Ilaa hada madaxda Dowladda iyo saraakiisha amniga Muqdisho ayaan ka hadlin Weerarkan oo aad u xooganaa sababayna dhimashada iyo dhaawac sidoo kalan burburiyey Gaadiid iyo Gidaarka Hotel SYL.
Al-shabaab ayaa marar hore weeraro sidan oo kale ah ku qaaday Hotelo iyo Kolonyo Gaadiid ah oo dhinac maraya Aaga Madaxtooyada Soomaaliya, Hotel SYL ayaa horay loo weeraray xiligii uu Muqdisho mar labaad soo booqanayey Madaxweynaha Turkiga Erdogan.