Wasirro Beri Casuumad Ugu Samaynaya Wefti Imaaraadka Carabta Buurta.
Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar,ayaa maanta dalka ku soo dhaweeyay Wefti heer qaran ah oo ka socda Madaxtooyada dawladda dalka Imaaraadka Carabta oo uu hoggaaminayo Maxamed Kit oo ka tirsan saraakiisha qasriga Madaxtooyadda Dawladda Imaaraadka Carabta oo booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland.
Socdaalka Weftigan ayaa la xidhiidha sii adkaynta wax wada qabsiga labada dal oo intii ay tallada dalka ay haysay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dhidibada loo taagay isla markaana maraya halkii ugu wanaagsanayd.
Weftiga heer qaran ee ka socda dawladda Imaaraadka Carabta,ayaa si weyn uga mahad naqay soo dhawaynta Xukuumadda Somaliland,taasoo ay ku micneeyeen xidhiidh wanaagga labada waddan.
Weftiga,ayaa waxaa maanta casuumad qado sharaf ah ugu samaynaya Buurta dalxiiska ku habboon ee Gacan Libaax Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse).
Weftiga Imaaraadka Carabta ka socda,ayaa mudada ay Somaliland booqashada ku joogaan waxay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo.
Dawladaha Imaaraadka iyo Somaliland ayaa xidhiidh wada shaqayneed oo wanaagsan yeeshay markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo talada dalka ku guulaystay taasina waxay albaab saaxiibtimo oo dhow u furtay labada dal.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ka soo jawaabay baaqii Madaxweynaha Somaliland ee qaylo dhaantii aabaaraha isla markaana gargaar samo fal la soo gaadhay dadka abaaraha ku tabaaloobay ee Somaliland.