Somaliland: flydubai oo Samaysay Qiima-dhimis Aad u Balaadhan

Date:

Diyaaraddu waxa ay ku dhawaaqaysaa in 30% la dhimay qiimihii dhammaan duulimaadyadeeda.

Hargeisa, SOMALILAND; 08 Sebteembar 2015: flydubai maanta waxa ay ku dhawaaqday qiima-dhimis ku saabsan dhammaan duulimaadyadeeda iyada oo u fidinaysa macaamiisheeda  qiima-dhimis 30% oo kala ah qaybaha Business Class iyo Economy Class ee duulimaadyada ku aaddan Dubai iyo kuwa ka sii baxaya.

Web

Iyada oo u adeegsanaysa duulimaadyadeeda 49 diyaaradaha jiilka cusub ee Boeing 737-800, flydubai todobaadkii waxa ay ku kala gooshtaa 1,600 oo duulimaad oo ay ku tagto in ka badan 90 goobood oo ku kala yaala 45 dal kuna baahdsan Khaliijka Carabta, Bariga Dhexe, Afrika, Wadamada Xuduudka la leh Ruushka (Caucasus), Aasiyada Dhexe, Yurub iyo Subcontinent.

Dubai waa halka ay ku kulmaan bariga iyo galbeedku waana wadnaha ganacsiga adduunka iyada oo isku xidha dad ka soo kala jeeda waddamo iyo dhaqamo kala duwan. Dubai sidoo kale waa magaalo u siman adduunka oo dhan, waana goob cagaaran oo ku dhextaala badhtamaha saxaraha, waa magaalo mustaqbal leh oo ka dhex mudhay Saxaraha Carabta. Kasoo billaw xarrumaha laga adeegto, goobaha xidhan ee barafka lagu dul ciyaaro, goobaha loo dalxiis tago ee ku dhexyaala saxaraha iyo dhismeyaasha ugu dhaadheer adduunka, Dubai waa magaalo soo jiidata dhammaan xubnaha qoyska iyo dalxiiseyaashaba.

150908dubai
Dubai

Flydubai waxaa ka go’an in ay macaamiisheeda u fidiso khibrad duulimaad oo wanaagsan iyada oo u soo bandhigaysa fursado badan oo ay kala dooran karaan. Business Class-ka flydubai waxa uu macaamiishiisa u fidinayaa adeegyo gaar ah oo raaxo leh, halka qaybteeda Economy Class-ku sidoo kale dadbadan fursad u siinayo in ay ku booqan karaan qiimo jaban goobo badan oo kala duwan.

Duulimaadkaaga qorshayso ka hor 20 September kuna duul flydubai adiga oo u kicitimaya goobta aad rabtid helayana qiima-dhimis 30%. Tigidhada waxaa laga iibsan karaa bogga internet-ka ee flydubai (flydubai.com), Xarrunteeda Dhexe (+971 600 54 44 45), Goobaha laga gato tigidhada flydubai ama wakiilada flydubai. Fadlan booqo flydubai.com si aad u akhridid shuruudaha oo dhammaystiran.

flydubai 4 duulimaad ayay todobaadkii u kala gooshtaa Somaliland (HGA) iyo Dubai

Si aad u ogaatid wakhtiyada duulimaadka, fadlan booqo: http://www.flydubai.com/en/plan/timetable/

 

Media contact:

Houda Al Kaissi

Public Relations Specialist

  1. +971 4 603 3073
  2. +971 56 683 0336

houda.alkaissi@flydubai.com

Xog ku saabsan flydubai:

flydubai (http://www.flydubai.com) xarrunteedu waa Dubai waxa ay u heellan tahay in ay jabiso xayndaabka socdaalka isla markaa ay kor u qaado xidhiidhka ka dhexeeya dhaqamada kala duawan ee ku baahsan goobaha sii kordhaya ee ay duulimaadyada ku tagto. Laga soo billaabo markii ay hawlgashay 2009, flydubai waxa ay:

  • Abuurtay xidhiidh ka dhexeeya in ka badan 90 goobood, 19 khad oo cusub waxaa lagu dhawaaqay sannadkan 2015.
  • Furtay illaa 67 khad oo cusub oo aan hore xidhiidh toos ah ula lahayn Dubai ama kuwaas oo diyaaradaha Imaaraadku ayna keeni jirin Dubai.
  • Hirgelisay 49 diyaaradaha casriga ah kuwaas oo gaadhi doona 100 diyaaradood dhammaadka 2023, kuwaas oo dhammaantood noqonaya Boeing 737-800s.

Sidoo kale, degdegsiimada iyo furfurnaanta diyaaraddan curdinka ahi waxa ay kor u qaaday horumarkii dhaqaalaha Dubai, kaas oo xidhiidh toos ah la leh Hiigsiga Xukuumadda Dubai, iyada oo abuuraysa ganacsi iyo dalxiis gaadhaya suuqyadii aan hore loogu shaqayn jirin.

Si aad u heshid xog dheeraad ah oo ku saabsan flydubai iyo adeeggeeda, fadlan booqo flydubai.com.

Web
screenshot-www.apo-opa.com 2015-09-08 18-45-31

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...