Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war sheegayay in dawladda Imaaraadka carabtu ay aqbashay in dalkeeda lagu galo baasaboorka Somaliland.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland oo uu ku saxeexnaa agaasimaha warbaahinta ee wasaaradaasi Saleebaan Daahir. Waxaana lagu sheegay in arrintaas dedaal loogu jiro hase yeeshee aanay wali dhammaanin, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Passport-ka Somaliland.
Arrinta aqbalaadda Passport-ku waa mid aannu ku gudo jirro hawshiisa balse weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin.
Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka.
Waxay labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga iyo dhinacyo kaleba leh.
Wa Billaahi Tawfiiq.