Somalia: Ugu yaraan 50-kamid Ciidamada Uganda oo ku dhintey weerarkii Janaale

Date:

Ugu yaraan 50-askari oo kamid ah Ciidamada AMISOM ayaa ku dhintey weerarkii shalay ururka al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihin degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

Warkan ayaa laga soo xigtey diblomaasiyiinta reer galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho oo wada shaqeyn ay ka dhaxeyso Taliska Midowga Afrika ee AMISOM.

Wakaaladda wararka ee AFP oo aragtey fariimo ay is-dhaafsadeen diblomaasiyinta iyo Saraakiisha AMISOM ayaa sidoo kale la la’ayahay ku dhowaad 100-askari kale.

Dadka deegaanka Janaale ayaa ku waramaya in diyaaraddaha nooca qumaatiga u kaca maanta oo arbaco ah ay bilaabeen in ay baadi goobaan askartaas oo cararay markii weerarka uu bilowday aroornimadii salaasada.

Waa khasaarihii u balaarna hal mar loo geysto Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

AMISOM iyo taliska Ciidamada Uganda ayaa ka wada gaabsaday in ay sheegaan tirada askarta uga dhimatay weerarkii shalay, waxaana warar qaar la isla dhex maraya in nolol lagu qabtay tiro askar kale balse AMISOM ayaa beenisay jiritaanka warkaas.

screenshot-horseedmedia.net 2015-08-26 11-03-08

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...