Somalia: Al Shabaab oo Weeraray Saldhiga AMISOM ee Janaale

Date:

Ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Milateri oo ay leeyihiin ciidamada Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM oo ku yaalla magaalada Jannaale oo qiyaastii 120 KM koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in qiyaastii 4:30 subaxnimo ay kooxda Alshabaab weerarka bilawday, waxayna markii hore isticmaaleen qaraxyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo dhinacyo kala duwan kaga weerareen saldhiga.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay gudaha u gashay saldhiga, iyada oo la maqlayo dhawaaqa rasaasta.

Illaa haatan lama hayo wax faahfaahina oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Bishii June 26-keedii ayay ahayd markii Maleeshiyaadka ururka Alshabaab weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo ku yaallay magaalada Leego, waxayna goobtaas ku dileen in ka badan 50 askari.

Jannaale iyo Leego, labaduba waxay ka tirsan yihiin gobolka Shabeellada Hoose.

voasomal

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...