Somaliland: Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda oo Beeniyay inuu is Casilay

Date:

Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan ayaa si kulul u beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya inuu iska casilay xilkii uu u hayay qaranka.

Shabakad warareed oo lagu magacaabo Borama News, ayaa shalay baahisay in wasiirul dawle Dr. Maxamed-rashiid uu is casilay. Hase yeeshe Dr. Maxamed-rashiid oo isagoo jooga Hargeysa xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika ayaa warkaas beeniyay,

“Warkaasi waxba kama jiraan, mana jirto meel aan isku casilay iyo meel aan xataa ku soo hadal qaaday. Warkaas layga baahiyay waa mid aanay waxba ka jirin.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed-rashiid oo intaas raaciyay,

“Waxa faafiyay dad dacaayad iyo been abuur faafinaya, cidda faafisay ee daabacdayna waxaan la tiigsan doonaa sharciga. Waxaan shacabka u cadaynayaa inaanay jirin wax is casilaad ah oo aan madaxweynaha Somaliland u gudbiyay, diyaarna waxaan  u ahay inaan qarankayga u shaqeeyo.” Sidaas ayuu Dr. Maxamed-rashiid ku beenyiyay wararka laga baahiyay ee sheegayay inuu is casilaad u gudbiyay Madaxweynaha.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...