adaxweynaha Somaliya oo Xafiiskiisa kula kulmay Afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa u sheegay haddii ay iyagu u noqonayan Dastuurkii Lixdankii, in isaguna uu u laaban doono Dastuurkaasi, si uu u kala diro Xildhibaanada.
Guddoonka Sare Baarlamaanka, ayaa isku diyaarinaaya in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ay u gudbiyan Maxkamadda Sare Dalka, si baadhitaan loogu sameeyo eedeymaha loo soo jeediyay Madaxweynaha, oo ay ka mid yihiin khiyaamo qaran, musuq maasuq iyo ku xadgudub xoriyadda muwaadinka.
Eedeymaha ay Xildhibaanadu u soo jeediyeen Madaxweynaha, ayaa waxaa baadhitaan ku samayn karta Maxkamadda Dastuuriga, balse Dastuurkan ayaa cadeynaaya haddii aanay Maxkamad Dastuuri ah jirin, in loo laabanaayo Dastuurkii Lixdankii oo odhanaya eedeymaha Madaxweynaha waxaa qaadaysa amaba dhageysanaysa Maxkamadda Sare.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Dastuurka cusub ka saaray qodob Dastuuri ahaa, oo awood Madaxweynaha u siinaayay in uu kala diri karo Xildhibaanada. Xildhibaanada ayaa qodobkaasi laalay kulan ay yeesheen bishii November ee sanadkii 2012-ka, balse Xasan Sheekh ayaa haddii dastuurkii hore loo noqdo isna ku laaban doona kii hore.
Ergayga Qaramada midoobay u jooga Somalia Nicholas Kay oo la rumaysan yahay inuu door laxaad leh ku leeyahay siyaasadda Somalia ayaa cambaareeyay mooshinkan iyo murankan siyaasadeed “Waxaan garowsanahay in golaha ammaanka ee QM uu aragti cad ku muujiyyey in Soomaaliya ay tahay inay qabato hanaan doorasho sanadda 2016, ma aha inay wakhti kale ku darsato, marka la eegana halka aan fadhiyo, way adag tahay in la arko sida mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha uu u ogolaanayo dhammaan hiigsiyada ay tahay in laga dhabeeyo, sababta oo ah dib u dhaca iyo fowdada sii soconeysa oo taas ay sababi doonto” ayuu yidhi Kay oo VOA u waramay.
Ergeyga QM, ayaa ugu baaqaya hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya inay sii wadaan ka shaqeynta iyo inay xooga saaraan waxyaabaha muhiimka u ah dalka ee ay dejisteen, sida dib u eegista dastuurka, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dhismaha dalka iyo maamul wanaagga.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo laga dareemay Xafiisyada Hay’adaha Dowladda, waxayna dadku jeclaan lahaayen in khilaafka u dhaxeeyo labada dhinac la helo xal looga gudbi karo.