Intii uu kulanku socday waxa la qoray Manhajka Dugsiyada Hoose dhexe, Kuwa sarena waa la horumariyey.
Wasiirka Wasaarad Waxbarashada Ayaa Soo gaba-gabeeyay Dib eegis iyo Wax ka badal lagu sameeyay Manaahijta Dugsiyada Hoose Dhexe iyo kuwa Sare ee Somaliland oo Socday mudo Afartan Maalmood Ah.
Kulankan oo lagu soo Gabo bageeyey Xafiiska Manaahijta Ayaa waxa ka soo qayb Galay Wasiirka waxbarashada iyo Ku xigeenkiisa, Agaasimaha Hay’adda Wax barashada Afrika ee (AET) iyo Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo Masuuliyiin Kale.
Dibu eegista iyo Horumarinta lagu sameeyey Manaahijta Dugsiyada sare iyo kuwa Dugsiyada Hoose Dhexe ee la qoray ayaa waxa Maal galiyey UNICEF iyo Midawga Yurub (EU), Waxaana Fulinaysay Hay’ada Wax barashada Afrika ee Afrika (AET)
kulan ayaa waxa ka qayb Qaatay 84 Macalin, Oo ay 44 Macalin oo ka mid ahi Fulinayeen wax ka badalka lagu sameeyey Man-hajka Dugsiyada Sare, Halkay 40 Macalin-na ay Fulinayeen Man-hajka Dugsiyada Hoose Dhexe oo dib loo qoray.
Ugu Horayn Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin Diiriye oo ka hadlay Madasha ayaa sheegay.
“Hawshan Dajinta Man-hajka Dugsiyada Hoose dhexe iyo Kuwa Sareba, waxa ay soo bilaab matay 22kii bisha Julay waxaana ay soo dhamaatay muqararadii Dugsiyada Sare dhamaantood oo Ah kuwan ku horyaala iyo dhamaan Kuwii Dugsiyada hoose dhex oo halkan iyaguna yaala waxa ay soo dhamadeen bishan aynu ku jiro 16keedii, Run ahaantii aqoon yahanka ka qayb qaatay dajinta manaahijta jamuuriyada Somaliland, waxa ay muujiyeen dadaal aad u xoogan iyo tuujinta Maskaxda.
Cabdilaahi Yaasiin Diiriye Agaasimaha waaxda tababarka ee Xafiiska Manaahijta oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray oo uu yidhi. “Labada Manhaj ee ay dajiyeen aqoon yahanka Halkan Fadhiyaa intaas uun ku eekaan maayo waxa la dari doonaa aqoon yahano iyaguna xeel dheerayaal ah oo iyaguna wixii talo ah ku dari doona”.
Geesta kale Guddoomiyaha Waxbarashada waaxda Bari ee Maroodi jeex Ismaaciil Dhubato oo isaguna Madasha Hadalo ka Jeediyay ayaa Aqoon yahanka Maskaxdooda u Tuujiyay Sidii wax looga Badali Lahaa Manaahijta Dalka ku Amaanay Siday Ubadkooda ugaga Tageen Dhaxalka Muuqda waxaana uu yidhi.
“Waynu ognahay oo Halkan rag badan oo khubaro ah ayaa fadhiya,Dalkuna Cid kale Mahaystee waa inaga oo inaga ayaa u aha Aqoon yahan,Nimanka Inoo imanaya ee Ajihanibka Ah hawlo yaryar oo la Xeeranayo Awgeed ayay inoogu wadanaa,lakiin Aqoon yahanka Dalku Waa inaga Dhamaanteen.
Agaasimaha Hay’adda Waxbarashada Afrika (AET) ee Fulinaysay Mashruucan Xasan Axmed Ibraahin ayaa ku Dheeraaday muhiimada ay Bulshada u leedahay Man-hajkan La Badalay isaga Oo ka shekeeyay Hawla Ay Haay’addani Waxbarashada u Qabato.
“Maanta Runtii Aad ayaan u faraxsanay Hawl Aynu soo wadnay 40 Maalmood, Waxaanan Ka markhaati Ahay Dadaalka idinka Muuqday iyo Sidaad u Dadaalayseen waxaad tihiin niman wadankoodii wax u qabanayay oo waajibkii saarnaa ka soo baxay,waxaan u arkaa Yididiilo Fiican, Maalin ayaan Hoosta ka idhi ilaahow Yaan nala Cawryin dadku iyaga aya Baahidooda yaqaan Taas ayaynu inaguna wax u qoraynay,Horumarkuna waa Mid Adiga kaa yimaad,Lakiin Maaha Mid Dusha Lagaaga Keenay.
Intaas waxa uu ku daray Agaasimaha Hay’adda AET oo Mashruucan Bixinaysay isaga oo hadalkiisa siiwata “Anagu waanu idin Taban taabinaynaa hadaanu nahay Hay’adda AET Runtii wasaarada ka Mid ayaanu nahay sida xafiiskaygu idiinku dhaw yahayna runtii qalbigayaguna sidaas ayuu idiinku dhaw yahay oo wada shaqayn aad wanaagsan oo muddo 18 Sano Aan ka Yarayn ayaa naga Dhaxaysa,Kolba waxaanu tarano wasaarada wax ayaanu keenaa.
Agaasimaha Hay’adda ayaa cadeeyay in Shaqada ugu Badan ee ay Qabteen Xooga Saraan waxbarashada, Wada shaqayn fiicana oo uu ku qiyaasay inaanay ka yarayn 18 Sanadoodna ka dhaxeeyo Wasaarada hawlo Badan ay Gacan ka Siiyaan Sida uu Tilmaamay.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa isna Amaanay Kaalinta Muuqata ee Ay Haay’adda AET ka qaatay Sidii waxbarashada somaliland loo tayayn Lahaa waxaana Cadeeyay In Ay la shaqayso Haay’adu Wasaarada Waxbarashada.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa amaanay Aqoonyahan-ka dejiyey Manhajka iyo Hay’adda AET oo kaalin Laxaadle Ka qaatay waxaana uu yidhi “waxa waajib ah in aynu inagu qorano manaahijta,waad ogtihiin oo Marka La qorayo Qaab ayaa Loo Dajiyaa,waxaanan ku Farax sanahay in uu Anfici Doono Ardayda Man-hajkan loo dajiyay,dadaal badan ayaa soo galiseen oo mudo ayaa u fadhideen,waanan idin hambalyaynayaa Maskaxdaas aad tuujiseen iyo dhiiranaanta Aad Galiseen, Dadaalku muuyarayn wakhtiga idinka baxay waad aragtaan,waxaad qorteen dhamaan Kuwa Dugsiyada Hoose dhexe lagu dhiganayo,wax ka badalna waxaad ku samayseen kuwa sare, Guul ayaad gaadheen.
Axmed Cabdilahi oo ah Masuul sare oo ka tirsan Hay’ada Wax barashada Afrika ee AET ayaa si kooban u sharaxay Hawsha dejinta Manaahijta ee ay qabteen Aqoonyhan Muda wada Dejinta Manaahijta Dugsiyada Sare iyo Hoose Dhexe ee Somaliland.