Somaliland: Ciidanka Amaanka Oo Duleedka Hargeysa Ku Qabtay Rag Lagu Tuhunsan Yahay Argagixiso

Date:

Ciidanka ammaanka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox looga shakiyey inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab, isla markaana ku hawlanaayeen falal lagu waxyeelaynayo nabadgelyada guud ee dalka.

Ma jiro wax war ah oo hay’adaha ammaanka Somaliland ka soo saareen ragga la qabtay iyo waxyaabaha loo tuhusan yahay, balse waxa kooxdan laga shakiyey lagu qabtay qabtay tuulada Aw Barkhadle oo dhinaca bari ka xigta Hargeysa maqribnimadii shalay, kadib markii halkaas loo dhigay ciidan si gaar ah loogu sii diyaariyey, maadaama sida ka muuqatay laga sii war-hayey dhaqdhaqaaqa raggan oo la socday bas rakaab ah oo dhinaca caasimadda u socday.

Wariye ka tirsan shabakadda wararka ee Araweelo News oo goob-joog ahaa markii ciidanku qabteen raggaas, ayaa sheegay in kooxda laga shakiyey u socdeen dhinaca Hargeysa, iyadoo baska ay saarnaayeen laga dejiyey dhammaan rakaabkii, halkaasoo ciidanku kaxaysteen shan qof oo la socday, kuwaas oo boorsooyin ay siteen laga helay qalab iyo waxyaabo kale oo loo malaynayo inay yihiin qalabka loo adeegsado qaraxyada.

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa gaadhay goobtaa daqiiqado kadib si ay ragga la qabtay ugu qaadaan dhinaca Hargeysa si loogu sameeyo baadhitaanno dheeraad ah, iyagoo saraakiisha bilayska ee hawlgalka waday ka gaabsaday inay wax faahfaahin ka bixiyey asbaabaha keenay qabashada kooxdaas.

Baabuurka baska ah ee lagu qabtay kooxda laga shakiyey waxa uu rakaab ka soo qaaday dhinaca magaalooyinka Burco iyo Berbera, wuxuuna u soo jeeday magaalada Hargeysa, balse lama oga halka raggaasi ka soo raaceen baska, waxaana la rumaysan yahay inay wadeen qorshe lagu waxyeelaynayo ammaanka Somaliland, iyadoo xilligan lagu jiro dabayaaqada bisha barakaysan ee Ramadaan oo dadku ku mashquulsan yihiin cibaadada tobanka dambe iyo diyaargarowga maalinta ciidda, taasoo saxmad xooggan ka dhigtay suuqada magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...