Koox burcad ah ayaa la sheegay inay jabsatay mid kamid ah xarumaha Kaydka hubka ee ciidamada dalka France.
Falkan ayaa la sheegay inuu dhacay habeenkii Isniinta soo galeysay. Balse warkan ayey saxaafada shaacisay salaasadii shalay taasoo keentay in sare loo qaado illaalada xarumaha militariga ee dalka France.
Xarunta la jabsaday oo ku taal magaalada Miramas ee koonfurta wadanka France ayaa ah goob la dhigo hubka kaydka ah oo ay adeegsadaan ciidamada France qeybtooda ku sugan qaarada Afrika.
180 ah qalabka wax lagu qarxiyo iyo hubka ay kamid yihiin bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo waxyaalaha qarxa ayaa la sheegay in lagala baxay xaruntaasi.
Dowlada France ayaan weli ogeyn in kooxda falkan geysatay ay tahay argagaxiso ama kooxaha burcada abaabulan ee dalkaasi ka jira, balse arrintan ayaa cabsi qeyn ku abuurtay shacabka dalka Faransiiska.
Xukuumada France ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto qaabka loo jabsaday xaruntan militari, isla markaana dib u eegis ku sameyn doonto illaalada xarumaha lagu kaydiyo hubka ciidamada.