Magaalada Bosaso ayaa laga furey xafiiska Migro Dahab, waxaana xafladii lagu daahfurayey oo lagu qabtay hotel Jubba ka qeyb galay madaxda Dahabshiil Group ,ganacsato, aqoonyaha iyo marti sharaf kale.
Cali Ceelaayo oo ah maamulaha guud ee Dahabshiil Group Puntland ayaa sheegay in Migro Dahab yahay qeyb ka mid ah Dahabshiil Group isla mar ahaantaana ka qeyb qaadanaysa shaqa abuurka bulshada.
Waxa uu sheegay in barnaamijkan yahay mid Islaami ah mana ahan mid dadka la siinayo lacag kaash ah, balse qofka la siinayo badeecad loo gaday si ganacsigiisa ugu horumariyo.
Kormeeraha Mashruucan Micro Dahab C/rixmaan Cismaan ayaa sheegay Ujeedada ay ka leeyihiin hirgelinta xafiiskan ay tahay in lagu yareeyo Saboolnimada lana kobciyo dhaqaalaha dad danyarta ah.
Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa ku ammaanay shirkadda Dahabshiil Group doorka wanaagsan ay ka qeybqaadatay ,isagoona sheegay in Barnaamijkan yahay mid waxtar u leh bulshada.
Cabdinuur Beder oo ah guddoomiye kuxigeenka Jaamacada PIDAM ayaa dhankiisa sheegay in Xafiiskan shaqada uu qabanayo wax weyn kusoo kordhineyso bulshada isla markaana ay shaqo abuur sameynayso.