Somaliland: Madaxweyne ku xigeenka Oo Kormeeray qaybaha kala duwan ee Madaarka Cigaal.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wehelinayeen Xubno Wasiiro iyo xildhibaano ayuu kormeerkoodu qabsoomay maalintii shalay, iyagoo soo maray Dhimsaha cusub ee qaybta Business class-ka ee Madaarka cigaal oo dhawaan la hir galiyey iyo dhismaha qaybta Terminalka laga dhoofo oo is badal balaadhan lagu samaayey.

11062335_988931574460719_6013717514118145053_n

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa qayb wal oo uu soo maray warbixin ka siiyey Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi. Masuuliyiintaasi ayaa kormeer ka dib la hadlay Saxaafadda, waxana ugu horayn halkaasi ka hadlay Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxaanu yidhi “Aad ayuu u mahad sanyahay Wasiirku, waxaa meesha ka muuqda dadaal badan oo la sameeyey mudadaa koobnayad ee shanta sano ah, waxa la yidhi “wixii indhuhu arkayaan ayaa ilkuhu gooyaan” ayaa Soomaalidu ku maahmaahdaa, meeshaa sidii ay ahayd iyo wixii loogu yimi waa la ogaa, is badalka intaa le’egna runtii wax la qarin karo maaha, waa dadaal faro badan, oo Xukuumadda iyo Wasiirku sameeyeen ayaa keentay runtii aad ayaan ugu hanbalyeeynayaa Wasiirka, shaqada faraha badan ee aanu ka daalayn ee uu ka gaadhay Terminalka laga dhoofo ee Madaarkii Hargaysa oo cidhiidhi faro badani jiri jiray in uu mar qudha Kun Qof qaado ayuu awoodaa, oo adeegyadaa quruxda badan ee maanta fadhiyadii leh Suuliyadii leh, aad iyo aad ayaan maanta ugu hanbalyeeynayaa Wasiirka,”

Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Waa siyaasadii Xukuumadda ee ahayd in loo fududeeyo Bulshada adeegyo sahal, taasina waata keentay maanta in Diyaaradihii Calamiga ahaa inoo yimaadaan, runtii Sadex afar Diyaaradood oo Caalami ahi inoo yimaadaan, ta ay dadka u fududaynaysaa waa socdaalkii oo ay helaan kala duwanaasho badan, waa guul dhamaan Wadanka Somaliland u soo hoyatay,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somalailand.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ runtii waa dhab in horumar weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka xaqiijisay madaarada, maaha oo kaliya, horumarkaasi meelaha uu ka qabsoomay Garoomada, wadooyinka ayaa ka mida, dhismayaal fara badana waa la dhisay, adeegyada bulshada ayaa kor loo qaaday, marka intaas laga tago, amaan aan anigu qof ahaan gaar u leeyahay ma jirto, runtii libtani waa mid qaranka uu leeyahay, wixii wanaag sanaadayna Umadda Somaliland oo dhan ayaa ku faanaysa, dharkaaguna wuu kula marti tagaa. marka labaadna waa lib Xukuumadani ay leedahay, Hogaamiyeyaasheeda, Gadhwadeenkeeda iyo madaxweyne ku xigeenkeedaba Himilooyinkoodii ayaanu xaqiijisay, waana waxaanu bulshada u balan qaadnay.”

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir waxaanu yidhi “Horta Wasaaradda Duulistu, waa Wasaarad hadh iyo habeenba shaqaysa, Wasaaradaha qaar ayaa laga rawaxaa labada Duhurnimo, markaa adeega joogtada ah Wasaaradda qabata ee hadh iyo habeenba shaqaysaa, way ka hawal badan tahay Wasaaradaha kale, wax qabadka Wasaaraduna runtii maaha Madaarka Hargaysa uun ee Madaarka Berberina Madaarkan runtii wuu ka heer sareeyaa, wuu ka balaadhan yahay, Madaarkii burco shaqo badan ayaa ka socota, kii Boorame shaqaa laga bilaabayaa, hawshaa in badan ayeynu Saxaafada ku aragnay, qaar aan waxba ogayan oo Wasiirka wax ka sheegaya, laakiin iminka dhamaantood way isa soo dhiibeen, hadaad aragto Wabsayd kasta oo aad gasho, waxaa laga waramayaa uun wax qabadkii Wasaarada Duulista.”

[quote]“runtii wixii Madaxweynuhu ku talo bixiyey Wasiir Maxamuud Xaashi wuu ka soo baxay, anagana Magac iyo sharaf ayaa noogu jirta oo kaligii maaha dee isku Xukuumad iyo isku Dawlad ayaanu nahay, aad ayaanu ugu tahniyadaynaynaa Ilaahayna ha ka Jisaaisiiyo.” Ayuu yidhi Md. Bashiir Cabdi Xariir.[/quote]

Wasiirka Dib u dajinta Somaliland Axmed Cabdi Saciid oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Aad baan ugu mahad naqayaa Wasiir Maxamuud Xaashi in badan ayuu u soo guuxayey oo uu xildhibaan ahaa oo uu doonayey in la dhiso dalkan, maanta isagaa ku guulaystay inuu Madaarkii dhiso, waligiina sidaas ayuu horumar u jeclaa, anigu bilad kaliya maahee Bilodo ayaan siiyey.”

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha Laanta Socdaalka Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo yidhi “ maanta farxad weyn ayey ii tahay in aan ku faani karo, Laanta Socdaalka iyo wax qabadkeeda, oo uu aabo u yahay Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawaddu, oo aanu Wasaaradiisa ku dhex jirno goob kasta Madaarka Hargaysa, Madaarka Berbera oo ah meelaha Aduunku inaga soo galo, waxa uu noo sameeyay Wasiirku oo aanan marka hore awood ulahayn, laymankaa aad galaysaan, habayanta dadka iyo kala horayanta sida sharcigu yahay.”

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Daakhiliga Somaliland Cabdi Daahir Camuud Waxaanu yidhi “ Wasiirka Duulistu dadaal badan ayuu ka samaayey madaarka, waxa la yidhi in qof karo ayuu Qaran ka dhintaa, Maxamuud Xaashi waxaanu leenahay bilad dahab ah ayaad leedahay.” Ayuu yidhi Wasiir Camuud.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...