Somaliland: Wasiir Khaliil Oo Kulan la Yeeshay Cullimo ka Socotay Jaamacada Al-Azhar

Date:

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa qaabilay wefti culumo ah oo ka socday jaamacada Al-Azhar ee dalka Masar.

Weftigan ka socda Jaamacadda Al Azhar ee dalka Masar ayaa ujeedada socdaalkooduna la xidhiidhay sidii culumo aw-diin ahaan ay umada reer Somaliland uga qayb qaadan lahaayeen gudashada waajibaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa waxaa dalka ku soo dhaweeyay Wasiirka diinta iyo aw-qaafta iyo agaasimaha guud ee wasaaradaaasi iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

wasiirka-diinta-iyo-wadaada-masaaradda

Wasiirka wasaarada Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ugu horayn madashiisii soo dhawaynta hadal ka jeediyay, waxaanu ka warbixiyey xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee labada shacbi ee Somaliland iyo Masar ka dhexeeya, sidoo kalena u mahad celiyey waftigan culumo aw diinka ah ee uga soo boqoolay wadanka Masar waxaana uu wasiirku yidhi “Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa waftigan walaaleheen ah ee inooga yimid dalka Masar gaar ahaan, jaamacada Al-Azhar oo uu soo diray imaamka Al-azhar iyagoo codsigoodu ahaa ama dalabkaygu ahaa inaanu dib u soo celino cilaaqaadkii ka dhexeeyey Somaliland iyo dalka Masar.”
“Waad ogtihiin, wax barashada iyo dhinaca jaamacada Al-azhar iyo khayrka ay waligoodba ay wadi jireen, waayo xidhiidhka inaga dhexeeyey inaga iyo dalka Masar wuxuu ahaa mid wanaagsan, 65-kii waxa laga dhisay magaalada Burco dugsimii la odhan jiray Jamaal Cabdinaasir Azhar baanu ahaa, macalimiin Azhar ah baa iman jirtay, Machad sharci ayuu ahaa, markii dambe ayuu isku badalay machad cilmi ayuu isku badalay, Hargaysa laftigeeda waxa jira machadka Cumar Binu Khadaab oo culumada Al-azhariyiintu wax ka dhigi jireen oo ay noogu iman jireen oo ay ardaydeena wax ku bari jireen ee dib u soo noqoshada xornimadii Somaliland waa markii u horaysay ee wafti ka socda jaamacada Al-azhar ay inoo yimaadaa”.

Gabagabadiina culumo aw diinka reer Masar ee madashan lagu marti qaaday ayaa ka dareen celiyey sida wanaaagsan ee loo soo dhaweeyey iyaga oo sheegay inay salaan iyo duco uga sidaan Sheekha Al-azhar bisha barakaysan ee Ramadaana awgeed una socdaan sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkii dhaqan iyo diineed ee labada shacbi ka dhexayn jiray.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...