Somaliland: Nuxurka Warqad Uu Marxuum Cigaal U Diray Cali Mahdi Sannadkii 1996

Warqad jawaab ah oo uu Alle haw naxariistii Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal u diray siyaasiga reer Somaliya ee Cali-Mahdi sannadkii 1996 oo wakhtigaas ahaa hoggaamiyaha kooxdii loo yaqaanay SSA (Somali salvation Alliance).

Warqadan oo uu Geeska Afrika ka helay Prof. Maxamed Cabdillaahi Ducaale (Ilkacase) oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland wuxuu Marxuumku hoggaamiyihii SSA Mr. Cali Mahdi Maxamed u diray 1 Febraruy 1996, waxaanu si adag ugu sharaxayaa qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Warqadaas oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan:  “Waxaan helay warqadii 18kii Jan ee aad iigu soo dhiibtay Jaamac Gaas Mucaawiye Wakiilkayga Xamar noo fadhiya. Warqadda markaan helay dabadeedna waxa nasoo gaadhay wafdigii saddexda Oday ka koobnaa oo aanu si fiican oo saraaxad iyo walaaltinimo leh isu waraysanay. Ayaga ayaan rajaynayaa in ay si tifo tiran kaagaga waramaan wixii aanu ku wada hadalnay. Waxaanse jecalaystay in aan si rasmi ah kuu soo gaadhsiiyo dhawr arrin oo ay ila tahay in loo baahanyahay in laga saaro mugdiga ay maanta ku jiraan.

Waxaad moodaa madaxda Soomaaliya in ay caado ka dhigteen “Slogano” ku saabsan Somaliweyn. Arrintaas in xaqiiqadeeda la ogaado ayaa fiican oo aan lagu meermeerin hadal iska dhe mooyee aan xaqiiqo siyaasi ah lahayn. Jabuuti waatii aad walaal tagtay ee ay madaxdeedu sida fiican ee gobanimada ah ay kuu martigaliyeen. Ma filayo in aad ama hadalkooda ka dhadhansatay ama ay ku sheegaan in ay maankooda iyo maskaxdooda ku jirto in ay dawladnimadooda duuduubaan oo ay ku biiraan wax la yiraahdo Soomaaliweyn.

Kililka shanaad ‘regime’ ka cusub ee Ethiopia xukumaa waxa uu siiyey dawlad hoosaad madax banaan. Distoorka Ethiopia dhigteena waxa uu dhigayaa in Gobolada Ethiopiaay xaq buuxa u leeyihiin oo in ay taqriir-almasiir kooda u madaxbanaan yihiin oo kii rabaa Ethiopia ka go’I karo,sidoosoy tahay anoo aad uga warqaba siyaasadaha ka soconaya kililka 5aad cid ka fikiraysa in ay Ethiopia ka go’do oo ay wax Soomaali weyn la yidhaahdo ku biirtaa ma jirto. Waxa ay ku mashquul yihiin oo qudhalaba arrin oo ah dhexdooda siday wax u qaybsan lahaayeen iyo qiimo intay ku yeelan lahaayeen Ethiopia dhexdeeda.

NFD dhulkii la odhan jiray ee lixdankii awrtu u rarnayd ee Soomaaliya hayaanka kusoo ahayd waxaan jecelahay inaad ogtahay in awrtii rarkii laga dhigay oo la guddoonsaday in Kenya laga mid noqda laguna nagaado. Fikirkooda qudhiisana markaan madaxdii aad u xansaday waxa weeyi :- siday meelmar ugaga qayb geli lahaayeen siyaasadda iyo maamulka Kenya. Waa faro ku tiris ragga maanta weli sii hadal haya ‘Slogans’ kii Lixdamadii iyo mabda’ii Soomaliweyn .

Anaga Somaliland ahina Afar Sanno horteed arrintayadii dhamaysanay oo ku guddoonsanay in aanu gooni isu taagno madaxbanaanidayadiina la soo noqono. Guddoonkaas, walaalkayow, cid aanu ka marti gelinaynaa ma jirto. Ciddii isle waad la wadaagtaan oo arrintaas qayb baad ku leedihiina way khaldanyihiin. Waxaan markaa walaal kaa codsanayaa in aad is waydiisaan adiga iyo Maxamed Abshir, Cabdilaahi Yuusuf, Xuseen Bood iyo Ragga kale ee idin la mid ahi Somali weynta aad hadal haysaan waa tee?. Ma wax aanan ogeyn ayaad ogtihiin? Mise wuxuun baad is-jeclaysiiseen oo runtii idinka daboolay?.

Warqadaad iisoo qortay walaal ee aad igaga masuugtay in aad iigu yeedho mansabkii iyo magacii dadkaygu ii doortay ee aad igu waanineysay Soomaaliweyn aan jirin aa aad indhaha ka qarsanayso taariikhdii afarta sanadood ee aynu soo dhaafnay waa mid kala fogeyn qudha sababi karta ee ayna ka muuqanin is-qadarin iyo qimaha aynu xaq iskugu leenahay. Si ay idinka, idinka tahayba waxay annaga noogu dhadhamaysaa in aad naga filaysaan in aanu madaxbanaanidayadii idinka martino. Laakiin maanu ahayn mustacmarad koonfuri xukumi jirtay oo maantana istiqlaal ka qaadanaysa ee waxaanu ahayn dal xor ah oo Riladiisa iyo Raqabadiisa idinku raacay Lixdankii.

Waxa kale ee aan walaal la yaabnaa sida ay hadalkiina uga dhadhamayso sidii aynu ahayn dad is jeclaa oo isu haraadanaa oo israacoodii najaxay oo meel maray. Runtii waxa ay ahayd in la is-karhay oo magacyo naanays ah la isu bixiyey oo sidii biyaha iyo saliida la is-mari waayay. Magaca aanu maanta sheegano ‘Somalilander’ waa kaa reer Woqooyi u bixiseen ayadoo lagu faquuqayo oo lagu fogaynayo. Kuwa kale oo ka naxli weynaa waa jireen oo anan maanta afka ku dhufanaynin. Somalinimo iyo walaalnimo waxa qudha ee ay ku iman kartaa ayadoo macaan oo meel mar ah markaynu noqono laba raas oo kala madax banaan oo daawo u leh walaalnimo iyo deris kalgacal leh. Somaliland madaxbanaanideedu koonfur kuma xidhna, arrintana wax ka caydhiin ma jiraan oo waa noo dhamaatay, aniguna madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaan ahay.

Ilaa iminka SSA waxaanu ka haynaa oo warqadoodani u dambaysay ay kaga duwan tahay waxaanu Caydiid ka hayno ma jirto. Kuwa maanta Caydiid la jira ee uu maqaarsaarayaa ee uu leeyahay Somaliland bay masilayaan waa kuwii shalay adiga kula jiray ee ka mid ahaa SSA ee aad caalamka ugu sheekayseen in ay yihiin Madaxdii Woqooyiga. Raggaas iyaguunbaa SSA ka tegay ee idinku maydin eryin anaguna ilaah baan kaga magan galnay in aanu iyagiina idiin bedelno. Walaalnimadeena iyo wax-wada qabsigeenu waxa qudha ee uu ku iman karaa, kuna meel mari karaa waa markaynu isu aragno ee u wada xaajoono laba Qaran oo walaalo ah oo dhiig, dhaqan iyo derisnimo ka dhaxayso.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments

comments