Somaliland: Doonni Shirkadda Dahabshiil Leedahay oo Dad Qaxooti ah Lagaga soo Daabulay Dalka Yemen

Date:

Doonni ka mid ah gaadiidka badda ee shirkadda Dahabshiil, ayaa dad qaxooti ah oo ay si bilaash uga soo qaaday dalka Yemen soo gaadhsiisay dekedda Berbera ee Somaliland caawa.

Doonidan oo magaceeda la yidhaa AL-DAHAB oo shirkadda Dahabshiil gurmad tabaruc ah ugu fidisay dadka ku tabaalaysan colaadda ka socota waddanka Yemen, ayaa dufcaddii u horreysay ee qaxoonti tiradiisu dhan 280 qof oo isugu jira tiro kooban reer Somaliland iyo Yemeni ah iyo tirada ugu badan oo u dhalatay Soomaaliya ka soo dejisay dekedda Berbera caawa fiidkii.

Dadkan qaxoontiga ah ee doonidda Dahabshiil sida bilaashka ah u soo qaaday oo u badan dumar, carruur iyo dad waawayn, waxa dekedda lagu siiyey cunto bisil iyo cabbitaanno shirkaddu u sii diyaarisay, halka dhawr qof oo jilicsan lagu qaaday baabuurta gurmadka caafimaadka oo daawayn loo dhigay cusbitaalka magaalada Berbera.

Maareeye-ku-xigeenka Dahabshiil Cabdi Faarax Axmed oo hoggaaminayey saraakiil shirkadda ka tirsan oo dekedda ku qaabilay qaxoontigaasi, ayaa sheegay inay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin inay u gurmadaan dadkaasi jilicsan ee qaxootiga ah oo ay sii wadi doonaan tabaruca ay ku soo qaadi doonaan.

[quote]“Doonidan oo ka mid ah gaadiidka badda ee shirkadda Dahabshiil waxay dadkan qaxootiga ah ka soo qaaday dalka Yemen, kuwaas oo aannu si bilaash ah u soo qaadnay waxay shirkaddu u sii diyaarisay wixii ay raashin ay cuni lahaayeen markay soo degeen, dadkani waxay u badan yihiin maati jilicsan oo dumar iyo carruur ah. Markaa doontani waxay noqon doontaa mid mar walba si bilaash ah u soo qaada dadka qaxootiga ah oo markii u horreysay noqonmayso. Meelaha kale ee qaxootiga Yemen ka soo degaan ee aannu xafiisyada ku leenahayna sidaa si le’eg ayaa loo qaabilay,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Faarax.[/quote]

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...