SA: Madaxweynaha Suudaan Al-Bashiir oo isaga baxay Koonfur Afrika

Date:

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan al-bashiir ayaa diyaarad gaar ah ka qaadey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika halkaas oo uga qaybgalay shirkii Hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Maxkamadda sare ee Koonfur Afrika ayaa maalintii shalay ee Axadda soo saartey go’aan ku-meel gaar ah oo sheegaya in aanu dalka ka bixi karin Cumar al-Bashiir, kadib markii maxkamadda denbiyadda caalamiga ah ay sidaas ka dalbatey Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ICC.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Suudaan Axmed Bilaal Cusmaan ayaa saxaafadda u sheegay “Madaxweyne Cumar al-Bashiir waxa uu ka soo duuley Koonfur Afrika, waxaana uu ku soo jeedaa dalkiisa halkaas oo si weyn loogu soo dhaweynaayo”.

Diyaaradda sida Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay Garoonka diyaradaha ee Khartuum caga dhigato 15.30GMT.

Madaxweynaha Suudaan al-Bashiir waxaa waaran lagu xiraayo u jartey Maxkamadda denbiyadda ee caalamka ICC sanadki 2009, kadib markii ay ku eedeysey in uu xasuuq ka geystey gobolka daafuur, waa Madaxweynihii u horeeyey ee isaga oo xafiiska fadhiya la dalbadey in la xiro isla markaana maxkmaddu sheegtey in aanu lahayd wax xasaanad ah.

Midowga Afrika ayaa isku raacsan in Maxkamadda caalamiga ah ee ICC ay tahay mid laba wejiile ka mid ah Tools-ka reer Galbeedka taas oo si toos ah u ugaarsatada Madaxda Afrikaanka oo keliya, waxaana ay marar badan ka dalbadeen in ay go’ankaas ka laabato.

Dalka Maraykanka oo isagu aanba xubin ka ahayn maxkamadda caalamiga ah ee ICC ayaa ka mid ah kuwa cadaadiska saarey Koonfur Aafrika in ay qabato al-Bashiir.

Si kastaba ha ahaatee wararka caalamka ugu weynaa 24 saac ee u danbeeyey ayaa ahaa xanibaadda Maxkamadda Koonfur Afrika ku soo ridey al-Bashiir, waxaana warka soo baxay ee ah in uu dalkiisi u duuley biyo qaboow ku shubey xaaladda taagneyd, waxaana la is weydiinayaa cidda ICC u soo xireysa Cumar al-Bashiir.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...