US: Hilary Clinton oo bilowday ololihii tartanka madaxtinimada ee USA

Date:

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka, Hilary Clinton, ayaa jeedisay khudbaddii ugu horreysay ee ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Khudbadan ayaa waxa ay ka jeedisay isu soo bax ballaaran oo kumanaan taageerayaasha xisbiga Dimuqraadiga ay ku qabsadeen magaalada New York.

Iyadoo ka hadlaysay fagaaraha Roosevelt Island, ayaa Mrs Clinton waxa ay khudbadeeda diiradda ku saartay dhaqaalaha hasayeeshee waxa ay hoosta ka xariiqday khibradda ay u leedahay siyaasadda arrimaha dibadda.

Mrs Clinton ayaa sheegtay in la dhisi doono hodantinimo rasmi ah oo misana ay dadka oo dhan wadaagi doonaan, mana ahaan doonto bay tiri mid ku kooban madaxda shirkadaha iyo dadka maareeya dhaqaalaha gaarka loo leeyahay.

Waxa ay weerartay xisbiga ay ishayaan ee Jamhuuriga, iyadoo sheegtay in ay ka soo horjeesteen bulshada inteeda badan.

Waxay sidoo kale ka hadashay dib u habeyn lagu sameeyo dimuqraadiyadda Mareykanka, iyadoo sheegtay in joojin doonto lacagta qarsoodiga ah ee ka soo baxaysa shirkadaha waa weyn ee la galinayo siyaasada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...