France: Baadhitaano cusub oo lagu sameynayo diyaaradii ku dhacday Faransiiska

Date:

Diyaarad ay leedahay shirkadda Germanwings ayaa waxa ay ku burburtay dalka Faransiiska Dambi baarayaasha Faransiiska ayaa sheegay in ay bilaabayaan baaritaano hor leh oo ku aadan burburkii diyaaradii Germanwings, taasi oo bilowgii sanadkan ay ku dhinteen 150 qof.

Arrintan ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah dhakhaatiirta caafimaadka ay sheegeen in ay xukumeen in duuliye Andreas Lubitz aanay u haboonayn inuu galo duulimaad.
Mr Lubitz, oo diyaarada ku soo riday buuraleyda Alps ee Faransiiska bishii Maarso, ayaa waxa uu la dhintay dhammaan rakaabikii saarnaa diyaaradda, hasayeeshee faafaahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa taariikhdiisii dhibta badneyd.
Brice Robin oo ah dacwad soo ooge jooga magaalada Marseille, ayaa sheegay inuu bilaabayo baaritaan hordhac ah oo ku saabsan bal haddii eedeymo ku saabsan dil aan ulakac ahayn la soo oogi karo, kuwaasoo la xiriira kiiska.
Mr Robin wuxuu sheegay in Andreas Lubitz uu u tagay 7 dhakhtar oo kala duwan bishii ka horraysay burburkii diyaarada.
Nin isku buuqsan ayuu ahaa sida uu sheegay dambi baaraha, oo ka welwelsanaa aragtidiisa indhaha.
Laakin ma jirin wax ku baraarujiyey shirkaddii uu u shaqaynayey dhibaatadan, sababtoo ah, sida uu Mr Robin sheegay, cabsi laga qabay sharciyada dhowrista xogta bukaanka ee Jarmalka oo aad u adag awgood.
Baaritaanka hordhaca ah ee ka billowday Faransiiska, ayaa eegi doona bal inuu jiro mugdi ku jira waxa ay ogaayeen dhakhaatiirta duuliyaha iyo waxa ay ogayd shirkaddii uu u shaqaynayay, oo muujin kara in la keeno eedeymo ku saabsan dil aan ulakac ahayn oo ka dhan ah hay’ado ama shaqsiyaad.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...