Anteenooyinka taleefoonada mobile-da oo been abuur ah oo la baxa xogta taleefoonada lala agmarayo ayaa si joogta ah looga adeegsadaa London sida lagu ogaaday baarsi uu sameeyay Sky News.
Waxaa la sheegay in la helay cadeyn sax ah markii ugu horeysay in UK lagu adeegsaday ugu yaraan 20 dhacdo.
Qalabkan ayey suurgal tahay in boolisku u adeegsadeen dadka laga shakiyo balse booliska ayaa diiday inay xaqiijiyaan ama beeniyaan.
Dhammaan xogta lagu helay baaristan ayaa la dhigay google-ka. Marka ay qalabkan adeegsanayaan boolisku ayey aad u adag tahay in loo isticmaalo ujeedada saxda ah. Waxay xogtan boolisku ku sameeyaan lama oga.
BBC-da oo la xiriirtay boolisku ayey u sheegeen inaysan ka hadleynin.
Mareykanka ayaa ka mid ah meelaha kale oo laga soo sheegayo adeegsigan oo kale.
Wadanka Jarmalka qalabkan ayey tahay in lagu wargeliyo Baarlamaanka.