Munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayey furitaanka duulimaadyada cusub ee ay shirkada fly dubia ka bilaabi doonto Somaliland gaar ahaan madaarka Egal international.
Xaflada Daahrufka oo lagu qabtay xarunta madaarka, Cigaal oo markii ay soo caga dhigatay diyaarada fly dubai oo ay la socdeen masuuliyiinta shirkada fly dubai gaar ahaan masuulka ugu sareeya shirkadaasi, Mr ghait al ghait iyo qaar ka mida shaqaalihiisa.
Waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland c/raxmaan c/laahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno kale oo isugu jira wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo badan, markii madaxdaasi la soo dhaweeyey ka dib waxa xaflad balaadhan oo loogu dabaal dagayo furitaanka duulimaadyada cusub ee shirkada fly dubia lagu qabtay gudaha madaarka ee cigaal.
waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland, maxamuud xaashi cabdi oo si qoto dheer ugu waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya somalialnd iyo wadanka isu taga imaaraadka carabta, kaas oo uu wasiirku sheegay inuu yahay mid dhaqan iyo mid ganacsiba, sidoo kale waxa uu wasiirku carabka ku adkeeyey sida ay muhiimka u tahay in shirkadaha noocan oo kale ahi ay duulimaadyo ka bilaabaan somalialand, isagoo xusay in sidii balaadhinta iyo casriyeynta loogu sameeyey madaarka cigaal uu noqday mid lagu soo hirto, wasiirka ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan shirkadan iyo duulimaadyadeeda cusub.
Maarayaha shirkada duulimaadyada ee fly dubai ghait al ghait oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in shirkadoodu ay duulimaadyo ka bilowdo Somaliland maarayaha shirkadani ayaa xusay in Somaliland ay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa duulimaadyada caalamigaa, taasna ay keentay in shiirkodoodu ku soo dhiirato duulimaadka, sidoo kale waxa uu tibaaxay in ay u arkaan duulimaadyadan cusub inay yihiin fursado muhiima.
sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadashay Marwo adna aadan Ismaaciil oo si qotodheer uga hadashay kana warantay horumarka Somaliland iyo muhiimada ay leeyihiin fursadahan oo kale.
ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka somalialand c/raxmaan c/laahi Ismaaciil saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa aad u hambalyeeyey masuuliyiinta shirkadani iyo wasaarada duulista iyo hawada ee kawada shaqeeyey sidii uu u hirgali lahaa duulimaadyadan shirkada dubia, madaxweyne ku xigeenka ayaa si qoto dheer ugu waramay horumarka Somaliland gaar ahaan horumarka madaarka cigaal, iyo sida isbedelka la taaban karo loogu sameeyey.
sidoo kale mudane c/raxmaan saylici ayaa masuuliyiinta shirkadani iyo wadanka imaaraadkaba ku amaanay sida ay ugu soo dhiiradeen duulimaadkan cusub ee shirkada dubia ee ay ka bilayday Somaliland, waxaanu ugu baaqay masuuliyiinta shirkadani in ay baasaaboorka Somaliland fiiseeyaan si loogu bixi karo, ugu danabayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiintii halkaasi joogay waxa ay sii galbiyeen masuuliyiinta shirkadaasi oo dib uga dhoofay madaarka cigaal international airiport.