Somaliland: Xukuumadda oo Dhagax Dhigtay 145 Guri Oo Ay Hay’adda UN-Habitat U Dhisayso Qoysas Dan Yar Ah

Date:

Wasiirka Dib u dejinta Cali Siciid Raygal iyo Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi ayaa maanta wada jir u dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo ay ha’adda UN Habitat u dhisayso dad dan yar ah.

SAM_9651

Dhismeyaashan cusub oo ku yaala Xaafada Jimcaale oo loo qoondeeyay in ay degaan dadka dan yarta ahi, kuna taala Waqooyi Bari Magaaladda Hargeysa ayaa ugu horeyn waxa hadalo kooban ka soo jeedisay Marwo Caasha Maxamed Nuur oo ka socotay hay’ada UN Habitat oo iyadu dhisaysa guryahaasi, waxaanay tidhi.

[quote]

“Sida shirkada qaadatay Qandaraaska dhismaha guryahani  uu inoo sheegayo waxa dhamaaday 90 guri, waxaanan hada dhagax dhigi doonaa intii kale, kuwaas oo loogu talo galay In la dejiyo dad laga soo rari doono xaafada Kaydka biyaha ee Magaaladda Hargeysa.

Halkan waxa laga dhisi doonaa hadii alle idmo 145 guri, waxaanu ka mid yahay mashaariicda socota ee guryeynta oo laga hir gelinayo afar magaalo, waxaanu sidoo kale kaabi doonaa biyo gelinta caasimada, waxaanan ka rajaynayaa in ay shirkada qandaraaska qaadatay ay ku soo dhamaystirto” ayay tidhi Marwo Caasha Maxamed Nuur.

[/quote]

Xildhibaan Xasan Shahar oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi kalmadaha kooban ka soo jeedisay ayaa uga mahad celiyay hay’adda UN Habitat “Waxa aan u mahad celinayaa Wasaaradda Dib u dejinta iyo Hay’adda UN-HABITAT oo iska xil saaray sidii ay guryo ay iska leeyihiin ugu dhisi lahaayeen dadkan dan yarta ah.

Dhulkan aad arkaysaan iyo kuwo kale oo soo socdaba waxa bixisay dawlada hoose, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aan u barbar taagnaan lahayn” ayuu yidhi.

Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dawlada Hoose ee Hargeysa ay ka go’an tahay sidii ay dhinacooda u barbar istaagi lahaayeen dadkaasi “Waxa aan marka hore halkan uga mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland oo ay siyaasadiisa wax qabad tahay in dadka reer somaliland gabi ahaantoodba la gaadhsiiyo adeegyada, waxa kale oo aan jecelahay in aan iyagana halkan amaan uga jeediyo Hay’ada UN-HABITAT iyo wasaarada dib u dejinta, waxaanan cadaynayaa in dhismahan cusub ee loo bineeyay dadka danyarta ahi uu yahay mid ay anfacaya, waxaana dhulkan oo ay ku deeqday dawlada hoose aan u sheegi lahaa bulshada in ay naga go’an tahay sidii aanu taageero dhinac walba ah ula barbar taaganahay, waxaana jirta dad badan oo magaaladda degan kuwaas oo aanu u hayno dhulkii la dejin lahaa cid kasta oo gacan naga siinaysana  waanu soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi.

Wasiirka Dib U Dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo soo khatimay  dhagax dhigaasi ayaa yidhi

[quote]

“Waxa aan u mahad celinayaa hay’adda UN HABITAT oo iyadu dadka baro kacayaasha ah u dhistay guryahan quruxda badan, waxaanan qabaa in ay dadkani ka faa’iidaysan doonaan.

Mar dhaweyd waxa aan yara laaday jaajuurka lagu dhisayo guryahan, runtii aad buu u adkaa, waxaanan leeyahay dadka halkan loo soo rarayo ilaashada”Cali Siciid Raygal

[/quote].

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...