Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxa uu xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho-indho) oo ka tirsan golaha guutida u magaacabay inuu ahaado af-hayeenka rasmiga ah ee Golahaas.
Waxa sidaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Qoraalkaas oo nuqul ka mid ahina soo gaadhay ayaa waxa uu dhignaa sidan:-
Ku:- Dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamuuriyada somaliland
ku:- Dhammaan Saxaafadda Somaliland
Ku:- Magacaabis
waxaan la socodsiinaynaa dhammaan mudanayaasha Golaha Guurtida Jamuuriyadda Somaliland,saxaafada iyo cid kasta oo ay khusayso,in laga bilaabo maanta (Shalay) oo bishu tahay 07/6/2015 loo magacaabay afhayeenka golaha xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xassan (Indho-indho) oo ah Guddoomiyaha Guddida
Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) ayaa waxa uu ka mid yahay xildhibaanada ugu firfircoon ee ku jira golaha guurtida Somaliland,isagoo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha arrimaha bulshadda. Waa markii ugu horaysay ee aqalka guurtidu yeesho afhayeen u gaar ah, iyadoo golahani jiray muddo aad u dheer.