Somaliland: 23,300 oo arday ayaa shalay u fadhiistay imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare

Date:

Sida uu shaaciyey Wasiirka Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, 23,300 arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaanada shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare.

[quote]Dugsiyada sare waxa u fadhiisanaya 9,300 oo arday halka ay ka dhexena u fadhiisanayaan 14,000. Waa tiradii ugu badnayd ee imtixaan kan oo kale ah u fadhiista taariikhda Somaliland.[/quote]

Wasiir Geedoole shalay wuxu kormeer ku sameeyey dugsiyada sare ee Somaliland si uu indhihiisa ugu arko qaabka uu imtixaanku u socdo, wuxuna ardayda u ballan-qaaday in caddaaladda imtixaanka la sugi doono.

Qaar ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sannadihii u dambeeyey ku dhalliilayey Wasaaradda Waxbarashada in aanay jirin arday dhacda imtixaanaadkan noocan iyadoo la sheegay in sababtu ay Wasaaraddu sidaas u yeeshaa ay tahay iyadoo ka hortagta in ardayda dhacdaa ay niyadjabaan kadibna tahriibaan.

Hase ahaatee aqoonyahannada arrintan dhalliila ayaa aaminsan in ay taasi niyadjebinayso ardaydii maskaxdoodu wanaagsanayd dedaalkooduna badnaa isla markaana cid dedaali doontaana aanay jirin dooni mar haddaan cidiba dhacayn.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...