Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay gelinkii dambe gaadhay Cape Town, Koonfur Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Wasiirka waxa safarka ku wehelisa La-taliyihiisa khaaska ah Nimco Cilmi.
Weftiga Wasiirku wuxu ka qaybgeli doonaa Shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka oo Koonfur Afrika martigelisay, kana dhacaya Cape Town 3da ilaa 5ta June, laguna martiqaaday dawladda Somaliland.
Markii weftiga Wasiirku gaadheen Cape Town waxa kaga hor yimid garoonka diyaaradaha oo si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika Kayse Mursal Maxamed iyo xubno kale oo ka mid ah Jaalliyadda.
Xubnaha ka socday Jaalliyadda Somaliland ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay wefti heerkan ah oo ka socda dalkooda ku soo dhaweeyaan Cape Town, marwalbana ay caado u tahay inay si niyadsan u soo dhaweeyaan wufuudda dalkooda.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu weynaa ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka, waxana ka soo qaybgalaya inka badan 90 wasiiro, saraakiil sarsare iyo hoggaamiyayaal kala duwan, 83 shirkado ganacsi waaweyn oo caalami ah iyo dhinacyo kale oo guud ahaan metelaya 75 waddan.
Hal-ku-dhegga shirku waa “Horraysiyo Dambaysaba: Suuree Mustaqbalka Afrika”, waxana lagaga hadli doonaa halkay gaadhay qaaraddu dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba intii ka dambaysay 1990-kii, sida loo kaashan karo waayo-aragnimada, hal-abuurnimada iyo khayraadka daneeyayaasha loona waajahi karo horumar buuxa oo lagagaa gudbi karo caqabadaha jira.
Sida ku xusan war-saxaafadeedka Wasaaradda, ka-qaybgalka shirkan iyo guud ahaan safarrada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxay qayb ka yihiin dedaalka xoojinta iyo kor-u- qaadidda siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland.
bandhige