Wasiirka Tamarta iyo Macdanta iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Deeganka ayaa daahafuray mashruuc Biogass oo khasinka guriga laga dhalinayo Tamar ama gass cuntada lagu samaysto ,xafladan oo lagu soo agaasimay xarunta wasaaradda tamarta iyo Macadanta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Haydaha Daneeyee Deeganka iyo masuulin sarsare oo ka socday wasaaradaha kala duwan ee dalka.
Mashruucan oo si faahfaahasan loogaga hadalay faa`iidoyinka Biogass-ka oo lagag raysanayo gubistii deeganka iyo dhuxshii xaalufku ku sameysay Dhirta ,waxaa fursad shaqo abuur oo lagu carbin doono dhalinyarta farsamo yaqaanka ah .
Wasiirka Hussein Abdi Duale oo Mashruucan si dheer uga hadalay ayaa sheegay in hirgalinta Biogassku Somaliland ka dhigo doonto mid deegankeedu fayoobado islamarkaana tamrta cusboonata oo aan kharash kaaga baahneyen dhuxusha badalkeeda noqonayso ,waxaanu baaq u diray haydaha iyo deeqbixiyaasha inay kala qeyb qaataan hirgalinta iyo taabogalinta mashruucan maanta lagu tijaabiyey wasaaradda .
Biogass ayaa ah ka dhalinta tamarta hadhaaga iyo qashinka madbakha oo laga sameeyo gass la mid ah Gasstan dareeraha ah ee aynu imkaba Somaliland lagu isticmaalo.